Soomaaliyeey Ogaada!! “Roobabka Way ka Bilawdeen Soomaaliya Hadda ayaan Bilaabeynaa Gargaarka” Waxaa Yiri Mark Bowden

Published on May 7, 2011 by   ·   5 Comments   ·   print

Labo maalin ka hor waxaa magaalada Muqdisho socdaal gaaban ku yimid Mark Bowden oo ah Isku Xiraha Gargaarka Bani’aadanimo ee QM isagoo kulan madaxtooyada Villa Soomaaliya kula qaatay madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif, raysul wasaaraha Maxamed C/laahi Farmaajo iyo saraakiil ka tirsan Dawlada.

Booqashada Bowden iyo kulanka uu la qaatay madaxda DKMG waxaa lagu micneeyey u kuurgalida xaalada bani’aadanimo ee Soomaaliya iyo qiimeynta abaaraha dalka ka jira- taasoo dabcan ah waxa uu Bowden ugu magacaaban yahay UN-ka.

Hase ahaatee Mark Bowden markii uu kulanku dhamaaday ayuu hadal kooban saxaafada ku siiyey iridka xafiiska madaxtooyada Soomaaliya. Wuxuuna yiri: “Waxaan u imid inaan la kulmo madaxda DKMG Soomaaliya oo aan ka wada hadalnay arimaha bani’adanimo iyo taageerada UN-ka. Waxaan kaloo dooneynaa inaan bilawno gargaarkii waayo hadda roobabkii way ka bilowdeen dalka intiisa badan“.

Marka aad haddaba hadalkaasi dib u qiimeyso waxaa soo baxaysa hagardaamooyinka isadabajooga ah ee shacabka Soomaaliyeed lagu hayo kuwaasoo maanta dal iyo dibadba si firfircoon uga socda.

Ma diidani in la taageero shacabka colaada iyo abaartu isugu biireen, mana diidani in cidii wax ku caawin karto- gaal iyo Muslim key doontaba ha ahaatee ay ku caawiso. Hase yeeshee xilliga uu dhawaaqaasi ka soo baxayo Bowden waa goorma?

Sida warbixinada iyo wararka saxaafada ku soo tabineysay abaaraha iyo qeyla dhaanta waxay socotey tan iyo sanadkii dhamaaday bartankiisa, qiyaas ahaan laga soo bilaabo bishii August 2010 illaa May 2011. Mudada intaa la eg dalka min gobol, degmo illaa tuulo waxaa ka jiray abaar daran oo sababtey in xitaa dad ugu geeriyoodaan (inkastoo ajashooda ay go’day). Biyo la’aanta daerteed tuulooyin dhan baa dadkii deganaa ka haayeem oo miciin badeen magaalooyin.

Qaar badan oo xoolo dhaqadatadii ah waxay iyagoo fara maran buushash ka sameysteen hareeraha wadooyinka Muqdisho, weliba qeybaha ay DKMG maamusho kadib markii xoolihii ay heysteen abaartu dhaafisay. Xuduudaha Kenya iyo Ethiopia waxaa ka tallaabay boqollaal qoysas ah oo xeryo qoxooti miciinsadey markey waayeen meel ay ka shaqeystaan iyo wax ay ku noolaadaan.

Waxaa xusid mudan in gobolada Puntland, Somaliland iyo Galmudug – oo nabad ahaan yara dhaama koonfurta Soomaaliya qiimeyntii lagu sameeyey abaarta ee wasaaraduhu soo gudbiyeen ay sheegeen in kumanaan qoys ay xoolo beeleen, tuulooyinkii miyiga ka soo guureen qaarna haraad u naf waayeen. Weliba saddexdaas gobol hay’aduhu wey joogaan oo xafiisyo wey ku leeyihiin.

Labadii Toddobaad ee u dambeeyey roobabka Guga waxay si fiican uga curteen dhamaan gobolada dalka. Gobolada qaarna illaa hadda si wanaagsan ayey uga da’ayaan sida wararka wariyaashu ku soo tabinayaan [Akhri warbixinta roobabkii ugu dambeeyey]. Marka roobabku sidaas u bilawdaana waxay beeraleydu u diyaar garoobaan inay dalagyada ku abuurtaan beeraha waxayna guda galaan hawl adag si ay wax soo saarkooda ugu manaafacaadsadaan.

Haddaba Muxuu Yahay Ujeedada Bowden?

In badan baan maqli jirnay in UN-ku ay dhibaato ku yihiin dadka Soomaaliyeed horumarkooda iyo wax soo saarkooda taasoo hadda si dhab ah u muuqata. Waxaana ila fiican in aan dhowr arimood ka tilmaamo ujeedada ka dambeysa dhawaaqaan cusub iyo sida y tahay in loola dhaqmi karo.

Hay’adaha UN-ka oo ku hawlgala dhaqaale tabarucaad ah (donation) oo caalamka magaca Soomaaliyeed looga soo qaaday marnaba ma rabaan in bulshadu ka maaranto,  si taasi ay uga hortagaana waxay dejistaan qorshayaal kala gedisan oo ay ku hawlgalaan. Waxaana ka mid ah:-

- In Beeraleyda la niyadjabiyo, lagana dhigo kuwo aan waxba qabsan karin. Si taasi u meelmarto waxay adeegsadaan qorshe ah in marka hore la daahiyo gargaarka cuntada (oo galley iyo boorash ah) laguna soo beego xilliga roobabku bilawdaan.

- Raashiinka ay keento WFP (oo ah hay’ada UN u qaabilsan cuntada) waxaa had iyo goor lagu saleeyaa dallagyada ugu badan ee beeraleyda sanadkaasi (tusaale ahaan haddii sanadka beeraleydu abuurtaan Galley ama Digir iyada ayey WFP keentaa).

Waxay arintan sababeysaa in ninka beeraleyda ah ee ku nool Shabeelaha Dhexe ama Hiiraan ama Jubbooyinka ee beertiisa ka soo saartay galley ama digir uu waayo suuq fiican maadaama galleydii iyo Digirtii WFP mucaawinada ku bixisay oo qiime jaban ay suuqyada ku jiraan. Waxaa halkaa ka dhalanaya in ninkii beeraleyga ahaa uu iska bixin waayo kharashaadkii deymaha ahaa (ee uu maalgelinta beertiisa u isticmaalay), wuxuuna go’aan ku gaarayaa in sanadka dambe uu iska daayo beer oo dhan.

- Dhibaatooyinka lagala kulmo WFP waxaa ka mid ah in cuntada ay gargaar ahaanta u keento Soomaaliya uu gacanta u galo NGO-yo yar yar oo iyaguna suuqyada ku iibsada cuntada waxayna natiijada noqotaa oo kaliya dhabarjab ku dhaca dadaalka beeraleyda. [Akhri fadeexadii iibinta cuntada WFP]

- Hay’ada WFP waxay cuntooyinka ay keento ka soo iibsataa beeraleyda Europe, Amerika [Akhri WFP oo cunto ka iibsaneysa beeraleyda Nicaragua] , Aasiya iyo qeybo ka mid ah Afrika [Beeraleyda Ghana oo faaiido ka heley bariiska laga iibiyey] taasoo dhiirigelin u ah beeraleyda wadamadaas. Hase yeeshee WFP marna qorshe kuma darsato in dhiirigelin taasi oo kale loo sameeyo beeraleyda Soomaaliyeed. [Akhri beerakeyda Mareykanka $780,000  ka faa'iidey WFP].

- Dabeecadaha kale ee hay’adaha UN-ka waxaa ka mid ah in qeylo dhaan lacageed [Appeeal] oo malaayiin doolar ku weydiistaan caalamka marka ay abaaruhu jiraan iyo marka ay roobabku yimaadaan oo ay haddana sheegaan in roobabkii ay dadku ga dareen. [Akhri qeylo dhaantii ugu dambeysay OCHA]

Haddaba, Muxuu Bowden gargaarka u keeni waayey xilliga ay baahidu jirtey? muxuuse hadda soo maqlay? sow arintu ma ahan dagaal dadban oo nolosha ummada Soomaaliyeed lagu hayo?!!!

-

Xigasho: Raxanreeb.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Readers Comments (5)

  1. Nasrudiin says:

    Acww, marka hore waad ku mahadsan tihiin faallada aad soo qorteen. Ilaahay ayaa noo sheegay in yuhuud iyo kiristan raali naga noqonaynin ilaa aan ka baxno diintena. Tan kale ee jirtana waxay tahay dad innaga naga mid ah ayaa gaalo daba ordaya oo aaminsan in gaalada ay maciin tahay annaga oo iska indha tirayna dhibka na haysta in aan annaga isku keenay. Sida ilahay aayadiisa Suuratu Alnaxli ku sheegay, nabiga iyo axabtisina marki ilahay la hadlayay wuxuu ku yiri nabiyo dheh waa wax xagiina ka yimid. Ilahayna dad ma badalo ilaa ay iyaga is badalan marka meel kale yaan laga dayin ilahay aan u toobad keeno waxa lagu jira waqtigi la shegay aan xataa ducada la aqbalaynin waxa lagu jiro daraadeed. Wassalamu Calaykum

  2. saabir says:

    bismilah alxamdulilah

    waxan ninkaas ku tilmaami karaa sheydaan maxaa ibliiska mar weliba wuxuu isku dayaay inuu fursad kasta kuugu jebiyo mar weliba oo aad taag darantahayna wuu kusii daciifiyaa

    salaam

  3. saabir says:

    waxan xusuustaa mar uu saxaafadda la hadlay nin somali ahaa oo wfp afhayeen u ahaa wuxuu sheegay in wfp hakisay gar-gaar ku sheegii aay siin jirtay shacabka somalida muddo 2bilood taasoo aay sabab u tahay buu yiri iyadoo lagu jiro xiligii aay beeraha soo go,ayeen oo aay tahay in beeraleyda ka faaiidetstaan.

    arinta aan aadka ula yaabay ayaa aheyd labada bilood ee aay joojiyeen gar gaar ku sheega in aayba aheyd xiligii aay dadka ugu baahi badnaayeen labada bilood uu sheegay marka aay dhamaadan in aay bilaabayan raashinkana waxayba ku aadaneyd xiliga beeraha soo go,aan.

    ugu danbeyn waxan leeyahay gaalow allaah baa na quudinaya waxa yar ee aad rabtaan in aad nagu gumeysataan qudhoodana illaah baa idin siiyay allaah subxaanah wuu awooda in aan ahaano kuwo idinka hanti
    lakin allaah subxaanah wuu inagu imtixaanayaa qiima darida adduuna allaah baa inagu sabarsiiyay oo inoo bayaaniyay, kuwa kalee inagu abtirsada ee uu heysta in gaalada raasiqiin yihiin waxan leeyahay ka daaya sidaa maahee diintiina barta iimaankiina ka warqaba oo is daweeya.

    salaam

  4. keydshe says:

    A.C WAAD KU MAHADSANTIHIIN IFINTA AAD IFISEEN DHAGARTA GAALADA DUULAANKA KU AH UMADA ISLAAMKA MEEL KASTA OO AY JOOGAAN. BASLE WAXAAD SUGTAAN DAGAALKII LAGU YIQIIN GAALADA IYO GAALO RAACA AY KU HAYEEN INTA GARATA DHAGARTOODA, UGU HORAYN WAXAAD ARKI DOONTAAN SOOMAALI KA HORTIMAADA ARAGTIDIINA OO ORANAYSA DADKA AYAA SHABAAB GAAJO KU RIDAY OO U DIIDEEN GARGAARKII HAY’ADAHEE ADINKIINA MA HADAAD KEENTEEN WARKII ALSHABAAB OO KALE EE AAN LA DAGAALNO IYAGA IYO GAALADA AY U ADEEGAAN AF IYO ADINBA

  5. Yasir Maxamuud says:

    As/c dhammaantiin walaalayaal.runtii waa wax aad looga xumaado waxa uu ka turjumayo qoraalkaan, wuxuuna dhaqaajiyay dareenkeyga shaqsiyadeed. tani waxay ka mid tahay dagaalka guud ee ka dhanka ah ummada iyo dalka soomaaliyeed, waxa kalia ee looga gudbi karana waxaa waaye in gacanta la is qabsado oo midnimo geed dheer iyo mid gaabanba loo fuulo. run ahaanti soomaali ayadaa arintaan beeratay ee soomaaliyey midnimo. bahda saxaafadda waxaan uga mahad celinayaa sida hufan ee ay dareenkooda ugu soo bandhigeen dadka walaalahood ah, waxaana ka rajaynahayaa in ay sii laba laabi doonaan.
    mahadsanidiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

Latest Headlines