Sheekh C/qani Qorane Maxamed ayaa caawa Muxaadaro guud oo ciwaankeedu yahay( وهذا صراط ربك مستقيما فتبعوه ) u jeedin doona Ardayda dhigata Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari
muxaadarada Sheekh C/qani Qorane Maxamed u jeedin doono Ardayda dhigata Jaamacada Bariga Afirka ayaa qeyb ka ah Muxaadaraad ay Culimadu u jeediso Ardayda Dhigta Jaaamcada si loo siiyo baraarujin guud oo la xidhiidha dhanka diinta sidoo kalena loogu dhiiri galiyo waxbarashada .
Muxaadarada ayaa lagu wadaa in ay soo xaadiri doonaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Ardayda Jaamacada “Wiil &Gabdho” kalana dhigta Kuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacadu ka kooban tahay sida Kuliyada Culuumta Caafimaadka , Kuliyadda Waxbarashada ,Kuliyadda Culuumta Dhaqaalaha, Kuliyadda Maamulka iyo maareynta ,Kuliyadda Culuumta Kumbuyuutarka .
Sheekh C/qani Qorane ayaa lagu wadaa in muxaadaradiisu ay bilaabato salaada Makhrib ee xiliga Boosaaso kadib 6:30 Pm (GMT+3) ayna socon doonto ilaa Salaada Cishe ,wuxuuna Sheekhu mowduuciisa dhinacyo badan Ardayda uga baraarujin doonaa waxyaabaha laga doonayo in ay ka soo baxaan iyo mas’uuliyaadkooda .
Ma ahan markii ugu horeysay ee Muxaadaro guud ay Culimada kala duwan eek u sugan Magaalada Boosaaso u jeediyaan Ardayda wax ka barta Jaamacada Bariga Afrika waxaana jirtay in bilihii la soo dhaafay ay Culimadu Muxaadaraad kala duwan Ardayda u jeediyeen .
Jaamacada Bariga Afrika ayaa la Aas aasay sanadkiii 1999 waxana xiligan wax ka barta Arday tiradoodu ay kor u dhaafayso 2600 oo Arday kalana dhigta Kuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacadu ka kooban tahay waxayna sidaa oo kale Jaamacaddu xarumo ku leedahay Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Related posts: