Waxaa maanta galinkii danbe lagu soo gaba gabeeyay,magaalada Phoenix,AZ.Shirkii sanadlaha ahaa ee golaha isutaga masaajida ee w/maraykanka.kalfadhigan ayaa bilaawday maalinti jimcaha ahayd ee ku beegnayd bishii April,29 ilaa bishan May,01/2011,gabo gabadii kulanka ayaa wuxuu goluhu ka soo saaray bayaan ay kula hadlayaan jaaliyada soomaaliyeed guud ahaan iyo jaaliyada qurbaha joogto ee soomaaliyeed,wuxuuna bayaanka u qornaa sidatan hoose:-
Bayaan Kuwajahan Ummada Soomaaliyeed meelay joogaanba
1- Ugu horayntii wuxuu Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerica u dardaar mayaa ummada Somaaliyeed Alle ka cabsi meel kasta oo ay joogaan, waxaan ugu baaqaynaa gaar ahaan ummada Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka inay Diintooda ku dhaqmaan, ogaadana inay xaq u leeyihiin inay muujistaan dhaqankooda iyo Diintooda.
2- Wuxuu Goluhu ummada Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika ugu baaqayaa inay u duceeyaan, garab istaagaanna dadaalada loogu jiro soodaynta Imaamkii Masjidka Al- Ansar Sh. Maxamed Khadar, Sh. Ciise Dhoore iyo walaalaha kale ee ku xiran Magaalada San Diego, CA.
3- Waxuu Goluhu ugu baaqayaa Ummada Soomaaliyeed inay muhiimad siiyaan Barashada cilmiga sharciga ah, kan maadiga ah, laguna xirnaado culimmada iyo Maraakista ummadu ku baratay Cilmiga, Alle kacabsiga iyo faafinta diinta.
4- Waxuu Goluhu ummada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay ku dadaalaan Midnimada dhexdooda ah, kana fogaadaan waxkasta oo u keeni kara kala tag iyo tafaraaruq. Sidoo kale wuxuu Goluhu ugu baaqayaa ummada Soomaaliyed ee ku nool Qurbaha gaar ahaan Waqooyiga Ameerika inay tusaale wanaagsan u noqdaan bulshada ay wada noolyihiin , sida ay farayso Diinteena Islaamka, meelna uga soo wada jeestaan dadka ummada Soomaaliyeed sumcadooda iyo sawirkooda xumaynaya.
5- Wuxuu Goluhu ugu baaqayaa qoysaska Soomaaliyeed inay dhibaatadooda iyo khilaafkooda yareeyaan, kuna xalistaan wixii khilaaf ah ee ku yimaada inay ula noqdaan culimmada iyo Maraakista Islaamiga ah. Sidoo kale In qoysaska Muslimka ah ku daddaalaan inay ahmiyad gaara siiyaan in Jiilka soo koraya lagu tarbiyeeyo akhlaaqda wanaagsan ee Diinta Islaamka na farayso.
6- Wuxuu Goluhu ugu baaqayaa dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa qurbaha jooga, inay waqtigooda uga faa’iidiaystaan barashada Diinta Islaamka iyo aqoonta kale ee Maadiga ah, si mustaqbalkooda aduun iyo aakhiroba u hagaago, sidoo kalena inay dareemaan inay haystaan fursad aysan haysan dhalin yaro badan oo Soomaaliyeed.
7- Wuxuu Goluhu ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed ee awooda gaar ahaan kuwa Waqooyiga Ameerica inay gargaar iyo gurmad u fidiyaan walaalahooda Abaaraha daran ku habsadeen wadanka Soomaaliya.
8- Wuxuu Goluhu ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed ee wadanka ku sugan In ay illaahay u noqdaan, dhibka u dhaxeeyana ku xaliyaan shareecada Islaamka, kana Marjic dhigtaan Cumlimada Soomaaliyeed.
9- Waxaa Goluhu usoo jeedinayaa Dhamaan Culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed dal iyo dibadba inay xal u raadiyaan dhibaatooyinka ummada ku haysta dibad iyo gudaba oo hada labaatan jirsaday.
Ugu danbaytii waxaan illaahay uga baryeynaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba inuu illaahay ka dulqaado dhibaatooyinka faraha badan ee ku haysta dal iyo dibadba.
Waxaa ku saxiixan
Sh. Cabdiraxman Sh. Cumar
Gudoomiyaha Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerika
Taariikhda Golaha:
Golaha Iimaamyada ee W/qooyiga Ameerika waxaa la aas aasay bilowgii sanadkii 2001 iyadoo ay hogaaminayaan culimmada Soomaaliyeed si ay u daboolaan baahida Diimeed iyo Dhaqameed ee mushtamaca ku cusub W/qooyiga Ameerika. Golaha Imaamyada ee W/qooyiga Ameerika waxaa hoos yimaada 17 Markis/Masaajid.

Related posts:
Asalaamu calaykum wr.wb.
salaan kadib waxaa mahad oo idil ay usugnaatay Alle subxaanahu watacaalaa nabadgalyo iyo naxariisna nabi Mohamed (scw) intaas kadib.
waxaa xusid mudan in golaha imaamyada ee waqooyiga Ameerika inay wax badan qabtayn wax badanna uharsan yihiin waxaana lee yahay jazaahumullaahu khayran hadii aanan maantana lahelin umada inay hesho meel ay ku midaysan tahay inay sahlanaan lahayd inay ku dhex milmaan umadaha kale ee aan islaamka ahayd ee ay ku dhex nool yihiin.
waxaan rabaa walaalaha iyo culumada dhisay golahaas inaan ugu nasteexeeyo arimahaan soo socda 1- inaad ubaahan tihiin inaad dhalinyarada kasbataan siiba dhalinyarada wadankaan wax ku baratay horena majaalka dacwada in mudo ah kusoo jiray waxaana ulee yahay hadalkaas waxaan ku noolahay wadanka mareekanka inta aan joogay waxaan mulaaxadeeyay in dhalinyarada wadankaan wax ku baratay aanan lasiinin majaalka hadii ay noqon lahayd dhanka nidaamka iyo dacwadaba way jirtaa oo ma inkiraayo in markas kasta ay jiraan dhalinyaro dacwada si xoog leh uwado hadana hadii aan laga qaybgelin markasta nidaamka daakhiliga ah hadii ay noqon lahayd in markaskaas uu umadax banaan yahay ciduu u arko in maamul ahaan iyo khibrad dacwo lee yahay loo dhiibo hadiise uu golaha kaligiis la gaar noqdo maamulka markaskaas ama uu kor uga keeno markaskaas iyo jaaliyada ku xiran runtii dhibaato badan ayaa ka imaan karta horena waa ay udhacday dhalinyarada inta badan marka ay reer yeeshaan oo ay usii dheertahay shaqo waa ay isaga tagaan markaska amaba dhoorkii maalmood ayaa laga yaabaa inuu soo siyaarto, 2-waxaa golaha imaamyada looga fadhiyaa inay kala saaraan siyaasada udegsan golaha ayna ka dhigaan mid guud korna kala socdaan maraakistaas asaga oo kor ka muraaqabaynayo kaliyana ay ku ekaato nasteexo guud hadii ay noqoto is bedel uu kala tashado jaaliyada ku xiran markaskaas, siyaasadiisa ku aadan markaskaasna ay cadahay iyo mid gaar ah oo ay umadaxbanaan yihiin markaska 3- jaaliyada ku xiran markaskaas hadii ay noqon lahayd inay dooran karaan qofka madax uga noqon lahaa markaskaas iyo mudada uu maamulkaas joogayo aysan noqon mid dadka dusha looga keenayo hadana aanan mudo xadidan lahayn waxkasta oo dabo dheeraado dhibkooda ayay lee yihiin waadna lasocotaan waxa kasocda dhulalka islaamka hadiise qofka loo xadido mudada uu maamulkaas haynayo waxa uu isku dayayaa inuu wax cusub kusoo kordhiyo hadiise uu ogaado inaan waqti lagu xirin waxa uu isku qancinayaa beri ayaad qabanaysaa waxayna ku qaadanaysaa mudo aad ubadan inuu wax cusub soo kordhyo,4-waxyaabaha runtii cajiibka ah ee aan golaha ku arkay inuu imaam uga dhigo markaska imaam aanan luuqada wadanka looga hadlo garanaynin ama xaalada jaaliyada ee markaskaas aanan lasocon ama aanan wax xirir toos ah ka dhaxaynin way adkaanaysaa inay is fahmaan dhalinyarada ama caruurta wax ku baratay wadanka waxa uu inta badan xooga saarayaa oo kaliya dadka waawayn oo waqtigoodana hore usoo qaatay heer ay gaarto in marka uu wax aqrinaayo dhoor qof oo odayaal ubadan ay dhagaystaan hadana ay iska sheekaystaan,waxaa marka mudan in laiswaydiiyo yaa loo dhisay maraakistaan inay ka faa,iideestaan? dabcan dadka oo dhan ayaa loo dhisay balse dadka la rabo in laga badbaadiyo dhaqan xumada taalo mareekanka iyo dhulalka gaalada oo dhan ayaga in muhiimada xooga lasaaro ayaga ayaana ah dadka mustaqbalka la wareegi doono maraakistaas hadii aysanna dicin laasamaxallaah wadadii umadihii hore mareen ayaana maraynaa oo in masjidka lagu celiyo waxa uu ahaa markii hore sida kaniisad ama dukaan taasna Alle ayaan ka magangelaynaa,5-golaha waxaa looga fadhiyo inay ummada usoo gudbiyaan maraakistaas inta culumo oo ay soo saareen halwadaadba Allaha kadhigo iyo hurumarka ay jaaliyada soomaaliyeed uqabteen sanadkii hore ayada oo number ah iyo xiriirka ka dhaxeeyo ayaga iyo dowlada taas oo aan kawado waxa ay jaaliyada kusoo kordhiyeen balse qofka aqriyo bayaan kasoo baxay golaha imaamyada waxa uu ubadan yahay talooyin guud 6-arinta ugu danbeeso waan idinku dheereeyay ee aan usoo jeedinayo golaha una baahan in lasaxo waa in la sameeyaa golo imaamyo oo magaalo kasta ay ku nool yihiin jaaliyada soomaaliyeed leh kadibna la dhiso golo imaamyo guud hadiise ay dhacdo labo imaam amaba kaban oo isku magaalo ah hadana aanan salaanta iska qaadaynin magaran karo dacwada ay sheegayaan kolay dariiqii nabbi mohamed (scw) ma,aha maantana waxa ay culimada inta badan isku hayaan waa masaa,il farci ah kama hadlaayo masaa,isha caqadiga ayada oo aanan ka marnayn in marwalba lawada hadli karo maxaa yeelay qofkasta daliil ayuu cuskanaayaa sidoo kale hadii imaam kasta uu ku xiran yahay waxa soomaaliya kasocda iyo inuu imaamwalba isla qumanaado oo uu u arko kan kale inuu qaldan yahay ayada oo lahilmaamayo xaalada ka jirto wadanka uu ku nool yahay maxaa loo ogol yahay ummada islaamka iyo maxaase loo ogalayn oo uu udhaxeeyo gurigiis aiyo markaska uusan la socon waxa dhinacyadiisa ka dhacaayo iyo inay umadaan lee dahay wax badan oo ka dhaxeeyo iyo maslaxada guud inay isku keeni karto, ayada oo qofwalba ka hormarinaayo tiisa gaarka ah, waxaana hubaal ah hadii maanta ummada soomaaliyeed laga heli lahaa wayna jiraan oo ma ,inkiraayo culumo iyo wax garad u taagan maslaxada guud inay ummadaan horumar gaari lahayd sida jaaliyadaha muslimka kale horumarka ay ka gaareen dhanka maamulka iyo dacwada horumarinteeda.
ws.wr.wb.