Maamulka Soomaaliland oo canbaareeyey fal xaley lagu dhaawacay afar ruux oo ka dhacay Laascaanood

Published on April 30, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Wasaarada arimaha gudaha maamulka Soomaaliland ayaa maanta ka hadashay fal weerar ahaa oo xaley fiidkii afar ruux lagu dhaawacay gudaha magaalada Laascaanood iyadoo canbaareyn u jeedisay dadkii ka danbeeyey weerarkaasi.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliand Maxamed Cabdi gaboose iyo Agaasimaha wasaaradaasi C/laahi Xuseen Cige oo si wadajir ah maanta shir saxaafadeed ugu qabtey magaalada Hargaysa ayaa sheegay in weerarkaasi xaley uu ka dhacay iridka hore mid ka mid ah masaajidada magaalada Laascaanood oo xiligaas ay dadku kasoo bexeen salaadii cishaha.

Shir saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 4 qof oo kala ah nin sarkaal ah oo ka tirsanaa ciidanka Soomaaliland iyo 3 qof oo kale kuwaasoo mid ka mid ah ay tahay qof dumar ah.

C/lahi Xuseen Cige oo ay saxaafada su’aalo weydiisay ayaa weerarkaasi ka dhacay Laascaanood ku eedeyey jabhada SSC ee deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in booliska haatan baaris ay ku gudajiraan.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa maanta xasiloon walod uu weerarkaasi xaley ka dhacay, mana jirto cid loo qabtey weerarkaasi oo sida la sheegay dadkii fuliyey aan la aqoonsan illaa hadda.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Qarax bam oo Khasaare Sababay oo xaley ka dhacay Laascaanood
  2. Sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliland oo xaley lagu dilay Laascaanood
  3. Mudaaharaad rabshad wata oo shalay ka dhacay Laascaanood
  4. Maamulka Soomaaliland oo maanta siidaayey diyaaradii ku xayirneyd garoonka Hargaysa
  5. Afar ruux oo Maraykan ah oo u afduubnaa budhcad badeed oo lagu dilay xeebta degmada Garacad ee gobalka Mudug

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qarax bam oo Khasaare Sababay oo xaley ka dhacay Laascaanood
  2. Sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliland oo xaley lagu dilay Laascaanood
  3. Mudaaharaad rabshad wata oo shalay ka dhacay Laascaanood
  4. Maamulka Soomaaliland oo maanta siidaayey diyaaradii ku xayirneyd garoonka Hargaysa
  5. Afar ruux oo Maraykan ah oo u afduubnaa budhcad badeed oo lagu dilay xeebta degmada Garacad ee gobalka Mudug

Latest Headlines