Wararka ka imaanaya degmada Garbohaarey ee xarunta gobalka Gedo ayaa ku waramaya in dagaalo xoogan oo u dhexeeya dhinacyada DKMG iyo Xarakada Al Shabaab maanta dib uga soo cusboonaadeen duleedka degmadaasi.
Dagaalka oo bilowday xili barqadii maanta ah ayaa la sheegaya in weli uu ka socdo deegaan la sheegay in illaa 20 km u dhinaca Buurdhuubo ka xigo Garbohaarey.
Ma cada sababta dagaalkan dhalisay balse waxaa shaley degmada Garbohaarey la wareegay ciidamada Ehlu suna iyo kuwa DKMG iyadoo dhanka kalana xaley Xarakada Al Shabab markale la wareegtey tuulo Barwaaqo oo 20 km u jirta Garbohaarey.
Dhanka kale waxaan weli la ogaanin khasaaraha dagaalan oo ku soo beegmay xilli dadka deegaanadaasi ku noolaa oo mudo dheer abaar kulul ay heysatey hadda ay u curteen roobabkii guga balse colaadu ku bilaabatay.

Related posts: