Wasiirka arimaha gudaha DKMG oo markale ka digay Shirarka iyo Mudaaharaadyada aan laga Warqabin

Published on April 29, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Wasiirka arimaha gudaha DKMG Soomaaliya C/shakur Shiikh Xasan oo habeenkii xaley war saxaafadeed ka soo saaray magaalada Muqdisho ayaa wuxuu markale ku celiyey digniin uu horey uga soo saaray mudaaharaadyada iyo shirarka aaney ka warqabin dawlada.

Wasiirka ayaa war saxaafadeedkiisa ku sheegay in la joojiyo dhamaan dibadbaxyada iyo shirarka ka dhaca magaalada ee aan laga warqabin kuwaasoo uu sheegay in ay amaanka waxyeelayaan, wuxuuna wasiirku si gaar ah uga hadlay isku soo baxyada oo uu tilmaamay inay ka dhalan karto amaan darri.

Digniinta ayaa wuxuu sidoo kale ku sheegay inay soo gaartey warar sheegaya in amaan dari loo adeegsan doono mudaharaadyo maanta oo jimce ah ka qorsheysan inay ka dhacaan magaalada Muqdishu siduu wasiirku hadalka u dhigay.

Dhanka kale wuxuu wasiirku ka hadlay dhibaatooyinka amni darri ee dhawaanahan ka jirey magaalada Gaalkacyo isagoo ugu baaqay maamulka Puntland, waxgaradka iyo culimada deegaanka Mudug inay u joogsadaan sidii loo nabadeyn lahaa dadka walaa;laha ee deegaankaasi ku nool.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Wasiirka Owqaafta & Arimaha Diinta Algeria oo ka digay Olole Kiristaameyn ah oo ay wadaan dadka dalka dib ugu soo laabanaya
  2. Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha DKMG oo sheegay inay baarayaan dilkii gudoomiyihii Waajid
  3. Wasiirka arimaha dibada DFKMG “waan soo celineynaa hantida Soomaaliyeed ee maqan”
  4. Sh. Shariif oo la kulmey Wasiirka Arimaha Dibada Yemen
  5. Amiirka Alshabaab oo ka digay shirqoolo uu sheegay in dibada laga soo abaabulay

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wasiirka Owqaafta & Arimaha Diinta Algeria oo ka digay Olole Kiristaameyn ah oo ay wadaan dadka dalka dib ugu soo laabanaya
  2. Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha DKMG oo sheegay inay baarayaan dilkii gudoomiyihii Waajid
  3. Wasiirka arimaha dibada DFKMG “waan soo celineynaa hantida Soomaaliyeed ee maqan”
  4. Sh. Shariif oo la kulmey Wasiirka Arimaha Dibada Yemen
  5. Amiirka Alshabaab oo ka digay shirqoolo uu sheegay in dibada laga soo abaabulay

Latest Headlines