Tobaneeyo ruux oo Saacadihii la soo dhaafay lagu xirxiray Degmada Garbahaarey

Published on April 29, 2011 by   ·   2 Comments   ·   print

Wararka naga soo gaaraya degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo ayaa sheegaya in dad tobaneeyo ruux oo u badan dhalinyaro xaley iyo shaley ay ku xirxireen ciidanka DKMG oo shaley qabsaday magaaladaasi.

Inkastoo xaalada magaalada ay degan tahay ayaa waxaa jirey hawlgalo ay xaley iyo shaley magaalada ka wadeen ciidanka DKMG iyo kuwa ururka Ehlu suna ee qabsaday magaalada, waxaana dad deegaanka jooga ay sheegeen in ku dhowaad  10 ruux ay xireen ciidamada.

Lama oga sababta dadkaasi loo xirxirey balse dadka eheladooda ah ayaa cabasho ka muujiyey shaki dadka loo xirxirayo iyadoo lagu eedeynayo inay taagerayaal u ahaayeen Xarakada Al Shabaab.

Dhanka kale odayaasha deegaanka Garbahaarey oo maanta idaacadaha la soo xiriirey ayaa iyaguna ka cawday dil loo geystey 3 ruux oo midkood wiil yar ahaa oo labo ruux lagu dilay gudaha Garbaaharey midna lagu dilay tuulo Barwaaqo sacaadihii la soo dhaafey.

Odayaasha ayaa ka codsadey saraakiisha ciidanka DKMG hogaamisa inay dadka rayidka ah ee deegaanka ku nool ay badbaadiyaan oo aysan u dhibaateyn tuhun iyo wax aan la huibin sidey sheegeen.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Labo ruux oo shaley galab lagu dilay duleedka degmada Luuq
  2. Dad lagu xirxiray hawlgalo ka dhacay degmada Marka ee Shabeelaha hoose
  3. Afar ruux oo Maraykan ah oo u afduubnaa budhcad badeed oo lagu dilay xeebta degmada Garacad ee gobalka Mudug
  4. Asakri ka tirsan ciidanka DKMG ah oo lagu dilay Maanta degmada Madiina ee M/Muqdisho.
  5. Ganacsato lagu Xirxiray koofurta Magaalada Gaalkacyo

Readers Comments (2)

  1. Cali Guure says:

    Allahumma laa shamaata.

    Yaa ku cibra qaadanaya waxaan ka digaynay?

  2. Zayn says:

    Haa waa dhib in ladilo dad aan wax galab sanin oo digan digaan kooda iyagoo loogu eedaynayo waxa aan ka warqabin sida siyaasada u dhaxaysa labo xubnood

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Labo ruux oo shaley galab lagu dilay duleedka degmada Luuq
  2. Dad lagu xirxiray hawlgalo ka dhacay degmada Marka ee Shabeelaha hoose
  3. Afar ruux oo Maraykan ah oo u afduubnaa budhcad badeed oo lagu dilay xeebta degmada Garacad ee gobalka Mudug
  4. Asakri ka tirsan ciidanka DKMG ah oo lagu dilay Maanta degmada Madiina ee M/Muqdisho.
  5. Ganacsato lagu Xirxiray koofurta Magaalada Gaalkacyo

Latest Headlines