Madaxwaynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo maanta safar ku tegey magaalada Boosaaso ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Boosaaso wuxuu eedeyn ugu soo jeediyey DFKMG ah Soomaaliya.
Madaxwaynaha Puntland oo markii uu tegey Boosaaso saxaafada u waramay ayaa ku dhaliilay amaan darida ka jirta gudaha Puntland inay qeyb ku leeyihiin dad uu sheegay inay taageero ka soo helaan DKMG ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in DKMG ay taageerto dad sida uu hadalka u dhigay doonaya inay kala gooyaan Puntland taasoo uu sheegay in lacag ay ku bixisay dadkaasina ay ku sugan yihiin gudaha Puntland.
Mar uu ka hadlay khilaafaadka ka dhexjira DKMG dhexdeeda iyo shirkii UN ku qabatay Neyroobi ee looga hadlay arimaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku eedeeyey in DKMG ay masuuliyiinteeda aysan rabin inay dadka kale la hadlaan xukunkana ay ku doonayaan si wada tashi la’aan ah.
Wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada barlamaanka DKMG inay qabtaan doorasho madaxwayne iyo mida gudoonka.
Dhanka kale Faroole ayaa dhaleeceeyey dhibaatooyinka amni daro ee ka jira magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug isagoo sheegay in amniga laga shaqeeyo ay dadka iyo deegaankaba u fiican tahay.

Related posts: