Culimaa’udiinka gobalka Mudug oo baaq nabadeed u jeediyey bulshada guud ahaan

Published on April 29, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Culimaa’udiinka gobolka Mudug ayaa cambaareeyay dhibaatooyinka amni xumo ee beryahan danbe ka dhacayey magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug iyagoo baaq nabadeed u jeediyey guud ahaan bulshaweynta reer Mudug.

Waxay culimadu baaq u jeediyeen waxgaradka, culimada, odayaasha
dhaqanka, aqoonyahanka iyo dadka maamulka haya inay dhamaantood aqoonsadaan masuuliyaadkooda ayna ka hortagan fitnada kana shaqeeyaan sidii dadka walaalaha ah ee gobalka ku nool nabad ugu deganaan lahaayeen.

Culimada ayaa cambaareyn dusha uga tuurtay cid alaale iyo ciddii sabab u ahayd in dagaalkaasi uu dhaco, waxayna shacabka u sheegeen khatarta ka dhalan karta dhiig qof Muslim ah oo si xaaraam ah loo daadiyo.

Waxay Culimadu ka tacsiyeeyeen dadkii ku geeriyooday dagaalkii shalay dhacay, waxayna intaa ku dareen in Alle uu caafiyo inta dhaawaca ama dhibaatadu ka soo gaartey dagaalkaasi, iyagoo shacabkana ugu baaqay in ay nabada iyo xasiloonida ka shaqeeyaan.

Guud ahaan Culimada gobolka Mudug ayaa si isku mid ah waxay uga digeen fal kasta oo dhibaateynaya qof muslim ah oo an denbi lahayn,waxayna sidoo kale ka digay xumaanta qabyaalada iyo qoloqoleysiga ay leedahay, iyagoo shacabka ugu baaqey in ay ka digtoonaadaan fitno aan ku ekaaneyn qofkii sameeyay.

Ugu dambeyn Culimadu waxay codsadeen in la taageero nabada lana xoojiyo xasiloonida islamarkaana la dhowro Diinta Islaamka iyo derisnimada maadaama qof Muslim ah dhiigiisa aysan Diintu baneyn in si xaq darro ah lagu daadiyo.

Hadalka Culimada ayaa ku soo beegmaya xilli maanta ay socdaan baaqyo nabadeed iyo wadahadalo ka soconaya magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ku aadan nabada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Odayaal dhaqameed ku sugan Muqdisho oo baaq ka soo saaray colaado ka soo cusboonaadey Gobalka Mudug
  2. Maamulka cusub ee gobalka Mudug oo xilka la wareegay
  3. DKMG oo baaq nabadeed u dirtay dhinacyadii ku dagaalamay Mudug
  4. Gudoomiyihii gobalka Mudug oo maanta xilka laga qaaday
  5. Gudoomiyaha gobalka Mudug oo ka hadlay mudaaharaad Puntland looga soo horjeedo oo shaley Gaalkacyo ka dhacay

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Odayaal dhaqameed ku sugan Muqdisho oo baaq ka soo saaray colaado ka soo cusboonaadey Gobalka Mudug
  2. Maamulka cusub ee gobalka Mudug oo xilka la wareegay
  3. DKMG oo baaq nabadeed u dirtay dhinacyadii ku dagaalamay Mudug
  4. Gudoomiyihii gobalka Mudug oo maanta xilka laga qaaday
  5. Gudoomiyaha gobalka Mudug oo ka hadlay mudaaharaad Puntland looga soo horjeedo oo shaley Gaalkacyo ka dhacay

Latest Headlines