Booliska kiinya oo maanta galay 3 ka mid ah Masaajidada magaalada Mombaasa

Published on April 29, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Mombaasa booliska wadanka Kiinya ayaa maanta weerar ku qaaday sadex masjid oo ku yaalla bartamaha magaalada Mombaasa iyagoo kadibna xiray.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka booliska ee Kiinya xili duhurnimadii maanta ay tageen sadexda masaajid oo ka mid ah kuwa ugu caansan magaalada kuna yaala xaafadaha bartamaha magaalada oo ay Soomaalidu ku badan tahay, waxaana la sheegay in markii masaajida ay tageen booliska ay kexeeyaan rag ka mid ah dadkii joogay masaajida oo qaarkood ay ku jireen mu’adimiinta masaajidadaasi.

Sababta masaajidada ay u galeen booliska ayaa lagu micneeyey kadib markii ay boolisku soo heleen warar sheegaya in rag ka yimid Soomaaliya oo qaraxyo wata ay masaajidka ku dhuumanayaan sida hadalka loo dhigay kadibna ay baaritaan ku sameeyeen.

Markii masaajidada la baaray ma jirin cid gaar ah oo laga soo qabtay mana jirin wax laga soo heley balse booliska ayaa weli heysta dhowr ruux oo ay masaajidada ka soo xireen.

Warbaahinta dalka Kiinya kama hadlin maanta dhacdadan masaajidada saameysay, waxayna arinta qalqal ku beertay dadka Soomaalida ee degan magaalada Mombaasa.

Dhanka kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha booliska ee dowlada gaar ahaan kuwa Soomaalida.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jirta xabsiga magaalada Mombaasa
  2. Qaar ka mid ah masaajidada magaalada Muqdisho oo laga Qunuuday salaadii Jimcaha ee maanta
  3. Sideetan iyo saddex Soomaali oo laga siidaayey xabsiga Mombaasa oo la geeyey xerada qoxootiga Dhadhaab
  4. Kiinya oo ka jawaabtay digniintii Al Shabaab u jeedisay
  5. AlShabaab oo maanta digniin kama dambeys ah u jeedisay madaxda Kiinya

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jirta xabsiga magaalada Mombaasa
  2. Qaar ka mid ah masaajidada magaalada Muqdisho oo laga Qunuuday salaadii Jimcaha ee maanta
  3. Sideetan iyo saddex Soomaali oo laga siidaayey xabsiga Mombaasa oo la geeyey xerada qoxootiga Dhadhaab
  4. Kiinya oo ka jawaabtay digniintii Al Shabaab u jeedisay
  5. AlShabaab oo maanta digniin kama dambeys ah u jeedisay madaxda Kiinya

Latest Headlines