Wasiirka garsoorka Puntland iyo xubno kale oo gaarey Gaalkacyo baaqna ka soo saarey nabadgelyada magaalada ka jirtey beryahan danbe

Published on April 28, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Wasiirka Garsoorka Puntland C/khaliif Shiikh Xasan iyo xubno ka mid ah maamulka Puntland iyo waxgarad ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, iyagoo maantana baaq kasoo saarey xaalada nabadgelyada magaalada.

Wasiirka oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa tacsi u diray dhamaan ehelka dadkii kaga geeriyoodey dagaalkii shaley gudaha magaalada Gaalkacyo, wuxuuna inta dhaawacantay Alle uga baryey in uu caafimaad deg deg ah siiyo isagoo shacabkana ugu baaqey in ay nabada iyo xasiloonida gacan siiyaan oo ay ka shaqeeyaan.

C/khaliif ayaa sidoo kale cambaareeyay dagaalkii shaley Gaalkacyo ka dhacay iyo dhibaatooyinka kale ee amaanka, wuxuuna sheegay in dagaal sokeeye uusan faa’ido laheyn isla markaana dagaalka uusan wiil ku dhalan balse uu ku dhinto, wuxuuna shacabka Gaalkacyo ogeysiiyey in qof kasta uu waajib ka saaran yahay ilaalinta amaanka iyo xasiloonida Gobolka Mudug.

“Waad ogtihiin dagaal faa’ido ma leh, kuwa dagaalka ku jira kii la dilaa iyo kii wax dilaa labadaba waa ehlu naar, marka walaalayaal aan ka feejignaano oo aan ka fogaano colaad sokeeye oo shacabka ka dhex bilaabata” ayuu yiri Wasiirka Garsoorka Puntland

Dhanka kale waxaa ilaa shaley gudaha magaalada Gaalkacyo ka socdey dadaalo ay wadaan waxgarad iyo odayaal iyadoo kulamo badan ay socdaan kuwaasoo lagu doonayo in wax looga qabto xaaladaha nabadgelyo xumo ee beryahan ku soo laalaabtey magaalada Gaalkacyo.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Wasiirka amniga Puntland oo ku baaqay in degdeg baaris loogu Sameeyo weeraradii lagu qaaday Masaajida Gaalkacyo iyo Qaraxii shaley
  2. Gudoomiyaha gobalka Mudug oo ka hadlay mudaaharaad Puntland looga soo horjeedo oo shaley Gaalkacyo ka dhacay
  3. Wasiirka Amniga Puntland Yuusuf Axmed Kheyr oo Sheegay in Puntland ay leedahay Cadow kala duwan
  4. Dil ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo
  5. Sarkaal ka tirsan ururka SSC oo lagu xiray magaalada Gaalkacyo

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wasiirka amniga Puntland oo ku baaqay in degdeg baaris loogu Sameeyo weeraradii lagu qaaday Masaajida Gaalkacyo iyo Qaraxii shaley
  2. Gudoomiyaha gobalka Mudug oo ka hadlay mudaaharaad Puntland looga soo horjeedo oo shaley Gaalkacyo ka dhacay
  3. Wasiirka Amniga Puntland Yuusuf Axmed Kheyr oo Sheegay in Puntland ay leedahay Cadow kala duwan
  4. Dil ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo
  5. Sarkaal ka tirsan ururka SSC oo lagu xiray magaalada Gaalkacyo

Latest Headlines