Waa Wadiiqo yar oo Dadku maraan si aan toos aheyna isugu xirta Wadada Sayidka iyo Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, maaha wado horey u jirtey balse waxey abuurantey kadib markii wadooyinka rasmiga ah ee Suuqa Bakaaraha ku xira Magaalada inteeda kale xirmeen dabayaaqada bishii February 2011.
Waxey ka soo dhacdaa Sayidka, wadada Caga-Dhiig markii la joogo wax yarna la soo hayo laamiga ayaa dhanka Xaafadii Tokyo loo aqoon jirey loo leexanayaa, waxaa lagu soo dhacayaa Wadiiqadan oo ka sameysan luuq-luuq mararka qaarkoodna waxaa la dhex marayaa guryo, Waxeyna ku taala labo difaac ciidan dhexdood.
Bisinka.
Dhan walba ooy tahey qofkii maaga inuu soo mara wadadan wuxuu qabsanayaa Bisinka si Ilaahey uga bixiyo dhanka kale isagoo bad-qaba, qof walba wadnaha ayuu farta ku hayaa inta uu ku dhex jiro wadadan sababtoo ah waxaa aad u badan dhibaatooyinka la gala kulmi karo, sida; dagaal si kedisa ugu dhex qabsada, Xabad wiifto ah oo haleesha, Duqeyn iyo Madaafiic, jiingado iyo geedo laga yaabo in dhib ka soo gaaro, iyo kuwo kale oo badan.
Al-xamdulilaah.
Qofku dhankii uu ka soo galey mooyee dhanka kale markuu uga baxo neef weyn ayaa ka soo fuqeysa, Ilaahey ayuuna ku mahadinayaa ka soo bixiyey, waxeynta arintan tusaale u tahey cabsida dadku ka qabanaan marida wadadan balse ayna heysan wado kale ooy ka doortaan.
Magacyo badan.
Wadiiqadan dadka mara magacyo badan ayey u yaqaaniin sida; Far-Janno, Far-Jiingad, Far-Naareed, Far-Farmaajo iyo kuwo kale, sababtuna ma aheyn dariiq rasmiya oo horey loo yaqaaney, dadkuna maraan, balse si kedisa ayey ku sameysantey, inta la socdana qofba magac ayuu ku sheegayaa.
Wadada Cadaalada.
Kuma koobna wadiiqadan qeyb gaara oo Shacabka ka mida sida kuwa jeebka yar een ka bixi Karin Baabuur raaca, balse waa mid dadka qeybihiisa kale duwan u siman yihiin, yar iyo weyn, Faqiir iyo Ganacsade, mid gaari cad ku socon jirey iyo mid lugeeya……
Xaalada Wadada.
Dhan walba ooy tahey qofkii maaga inuu soo maro wadadan wuxuu ku soo gelayaa Orod Rucleyn ah, sidoo kalena ayuu uga baxaya isaga oo qaarka hore ka qoyan, wuxuu ka gaari karo, cabitaan Qabow, Shaah, iyo wixii kale uu heli karo ayuu isku qabanayaa.
Waa wadiiqo kooban labo qof oo is garab socota qof sedexaad oo ka hor yimid amaba ka daba yimid ma dhaafi karo, waa in la isa sugaa.
Dadka ku soo socdalaada wadadan waxaa laga dheehan karaa, Haraad iyo daal badan, dul qaadka dadku waa badan yahey, sababtoo ah waa huri weynto, si kasta oo la isugu dhaco waa la kala soconayaa qofna qofka kale dib u fiirin maayo, waa mar uun Allow iga bixi iyo Faraj kale noo bixi.
Ma jiro hadal iyo sheeko furan midna Inta la socdo marka laga reebo hadalo kooban oo dadku is dhaafsanayaan, sida; Wadada Towbad keenka ooy ula jeedaan dabci walba oo qalasan ood laheyd markaad soo galeysa ayaad ka soo tegeysaa si dadka aad wax ula qeybsato.
Muddo 20-30 Daqiiqo oo socod rucleyn ah ayaa lagu jirayaa wadadan, dhibta ugu badan ee xagga socodka wuxuu la soo gudboonaadaa dadka taagta daran, sida Dumarka iyo Waayeelka, mararka qaarna waxaa laga yaabaa iney qof Dumara dhaafto dhowr nin.
Gaadiidka keliya ee ka shaqeeya wadadan waa Gaari-Gacan, waxeyna agabyo kale duwan isaga kala qaadaan Suuqa Bakaaraha iyo Suuqyada kale ee Magaalada, gaar ahaan Xamarweyne iyo wixii la hal maala, ugu badnaan labo jeer ayaa laga yaabaa midkiiba inuu dariiqan Maalintii maro.
Afkiibaa juuqda gabey, iska daa talaabo kale oo dadku qaadaan si dhibta uga baxaan, waxa kaliya ooy ku hadaaqayaan Baryada Ilaahey, si uu dhibta uga dul qaado farajna ugu furo.

Related posts:
waa sheeko cajiiba laakiin waxaan layaaaabey sidaa ujisheen,koley iyo koley waa arrin aad ku faraxsantihhi, jabka shacabka muqdisho waan mid idiin danbeysee ogaada mj yoow.