Wararka naga soo gaaraya gobalka Nugaal ayaa ku waramaya in shaley ilaa xaley ay ka da’een roobabki guga oo dadka iyo duunyaduba ku qaboobeen iyadoo gobalka uu ka mid ahaa meelaha abaaraha ay abaaruhu ka jireen.
Degmooyinka ku dhow maagalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ayaa illaa xaley roobab fiican u da’een waxaana dadka magaalada Jooga ay noo sheegeen in illaa xaley hillaaca iyo gugacu uu isdaba joog ahaa roobab lixaadlehna gobalka dhankiisa bari iyo dhankiisa waqooyiba ku shubmeen.
Sidoo kale dhanka gobalka Bari ayaa roobabku gaareen gaar ahaan, deegaano u dhexeeya magaalada Qardho iyo Boosaaso.
Warar saaka naga soo gaaray gobalka Sanaag sida degmooyinka Ceelbuh, Ceelafweyn iyo Buraan ayaa laga soo sheegay roobabka. Waxayna roobabka Sanaag qabtay ay isku xidhiidhsan yihiin illaa dhanka galbeedka gobalada kale ee illaa Togdheer.
Waxay roobabku ku soo beegmeen iyadoo abaaro baahsan oo dad iyo duunyaba saameeyey ay heleen bilihii la soo dhaafay deegaanada dalka oo dhan.

Related posts: