Madaxwaynaha DFKMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo safar hal maalin ah ku tegey wadanka Jabuuti ayaa isla xaley dib ugu soo hoydey magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka.
Afhayeenka Shiikh Shariif ayaa sheegay in safarkii ay ku tageen Jabuuti uu ku saabsanaa kulamo dhexmarey madaxweynaha Jabuuti iyo madaxwaynaha DKMG Soomaaliya iyo masuuliyiin kale kuwaasoo ay ka wada hadleen arimaha wadanka Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa sheegay in wadanka Jabuuti uu ku marti qaaday madaxwaynaha wadankaasi Ismaaciil Cumar Geele si ay ugala qaygalaan caleemo saarkiisa kadib markii uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday wadankaasi bishan bilowgeeda markii ay kulamadaasi soo dhameysteena di ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.
Dhanka kale waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Shiikh Shariif iyo Ismaaciil Cumar Geele ay ka wada hadleen khilaafaadka u dhexeeya siyaasiyiinta DKMG dhexdeeda oo isku haya waqtiga doorashada la qabanayo iyadoo labada garab ee dawladu u kala jaban tahay hadalo iska soo horjeeda ay saxaafada isu marsiinayaan.

Related posts: