Roobabkii Guga oo maanta iyo xaley ka da’ay qeybo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud

Published on April 27, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobalada Mudug iyo Galguduud ayaa soo shegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka curteen roobab ay dadka iyo duunyada ku diirsadeen.

Meelaha roobabku sida wanaagsan uga de’een waxaa ka mid ahd degmada Xarardheere ee gobolka Mudug iyo deegaanada hoos yimaada oo roobku xaley ku bilowday illaa saakana uu da’ayey.

Sidoo kale deegaano ku dhow degmada Hobyo ayey roobab illaa shaley galab ka da’een sidey noo soo sheegeen dad ku sugan deegaanka.
dhanka gobalka Galgaduud waxa uu roobku ka da’ay saacadihii lasoo dhaafay degmada Galhareeri, Duleedka Dhuusamareeb iyo ttulloyin ka tirsan Caabudwaaq oo dhamaantood ka mid ah gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Labadan gobol ee Mudug iyo Galgaduud ayaa ka mid ahaa deeganada ugu badan ee ay reer miyiga Soomaaliyeed gaar ahaan dadka xoolaha dhaqdaa degan yihiin ayna heysatey abaar biyo la’aanta ay ugu daran tahay, waxaana xusid mudan in roobabka ka hor tiro dad ah ay goboladan haraad awgiis ugu geeriyoodeen. Waxaana Alle mahadii ah in hadda dadkii iyo duunyaduba ay haraad beeleen kadib markii ay heleen raxmaadka Allaha wayn.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Roobabkii xiliga Guga oo ka bilowday Dhulka S.Galbeed
  2. Gudoomiyihii hore ee maxkamada Rafcaanka Mudug oo xaley lagu dilay Gaalkacyo
  3. Raxmaadkii Alle oo Maanta iyo Xaley si Wanaagsan uga da’ay Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Bay, Bakool iyo Gedo
  4. Gudigii loo magacaabay nabadeynta colaadii Mudug oo maanta gaaray Gaalkacyo
  5. Duqeyn khasaare sababtay oo xaley ilaa maanta loo geystey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Roobabkii xiliga Guga oo ka bilowday Dhulka S.Galbeed
  2. Gudoomiyihii hore ee maxkamada Rafcaanka Mudug oo xaley lagu dilay Gaalkacyo
  3. Raxmaadkii Alle oo Maanta iyo Xaley si Wanaagsan uga da’ay Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Bay, Bakool iyo Gedo
  4. Gudigii loo magacaabay nabadeynta colaadii Mudug oo maanta gaaray Gaalkacyo
  5. Duqeyn khasaare sababtay oo xaley ilaa maanta loo geystey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Latest Headlines