Gudoomiyaha cusub ee dhowaan loo soo magacaabay gobalka Mudug ayaa shaley xilka kala wareegay masuulkii hore u hayey gudoomiyaha gobalka Mudug ee maamulka Puntland.
Xaflad lagu qabtey xarunta maamulka gobalka ee gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug Axmed Cali Salaad uu xilkii ku wareejiyey gudoomiyaha cusub oo lagu magacaabo Maxamud C/raxmaan Cawke.
Gudoomiyihii hore ayaa goobtaka sheegay inuu soo dhoweynayo masuulka cusub ee loo soo magacaabay isagoo sheegay in uu wixii dukuminti ah ee uu hayayeyna uu ku wareejiyey maamulka cusub.
Sidoo kale gudoomiyaha cusub Maxamuud Cawke ayaa sheegay inuu u mahadceliayo aamulkii isaga ka horeeyey ee xilka uu kala wareegay wuxuuna dadweynaha Gaalkacyo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan sidii nabafooda loo sugi lahaa isla markaana magaalada u noqon lahayd meel amaan ah.
Xil wareejintan ayaa ku soo begmeysa iyadoo usbuucii hore madaxwaynaha Puntland uu xilka ka qaaday maamulkii gobalka Mudug iyo kii degmada oo lagu dhaliilay inay amaanka wax ka qaban qaayeen, waxaana la soo magacaabay guddi maamul oo isugu jira heer gobal iyo heer degmo.
Waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay sidoo kale xilalka wareejiyaan masuuliyiintii dawlada hoose ee Gaalkacyo oo iyaguna la bedelay.

Related posts: