Kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee Magaalada Boosaaso ayaa caawa la soo gaba gabeeyay waxaana gabagabadiisa ka qeyb galay Culimo kala duwan oo ay ka mid ahayaeen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax, , Dr Axmed Xaaji C/raxmaan , Dr Saadaq Eenow Sheekh Xasan Xuseen Axmed , Sheekh Daahir Aw Cabdi , Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen , Sheekh C/raxmaan Bukhaari, Sheekh Maxamed Maxamuud Xaliike , Sheekh C/qani Qorane Maxamed , Sheekh Shuceyb Xaaji Nuur, Sheekh Maxamed Macalin Axmed(Sawirro)Ugu horeyn waxaa Kalmada koowaad qaatay Sheekh Xasan Xuseen Axmed wuxuuna ka hadlay dhibaatooyinka guud ee Bulshada heysta gaar ahaan abaaraha iyo colaadaha wuxuuna Alle bulshada u weydiiyay inuu ka dulqaado abaaraha iyo dhibaatooyinka baahsan ee bulshada qeybaheeda kala dwuan ku habsaday, wuxuuna bidhaamiyay in dhibaatooyinka jiraa ay yihiin kuwo dadka ay gamacahooda ku kasbadeen dhibka heysta wax ka weyna uu Alle ka cafiyay waxa lagaga bixi karaana ay tahay oo kaliya in Alle loo noqdo ,wuxuuna intaa raaciyay talo kale oo uu jeediyay Dadka Maamulka ah ama mas’uuliyadda Bulshada u haya wuxuuna ugu baaqay in ay Alle uga cabsadaan xilka ay hayaan sidoo kalena bari uu Alle kula xisaabtami doono mas’uuliyadda ay hayaan iyo sida ay uga soo baxeen waajibaadkeeda, Sheekh Xasan Xuseen Axmed waxa uu kalmadaa ku soo gaba gabeeyay Duco guud oo u jeediyay qeybaha kala duwan ee Bulshada wuxuuna Alle uga baryay in uu ka dulqaado dhibaatooyinka heysta wuxuuna dadka dhageysanaya kulan cilmiyeedka kuwa masjidka soo xaadiray iyo kuwa warbaahinta kala socdaaba ay Culimada ka heleen casharo kala duwan oo mudan in laga faa’iidaysto lana dhaqan galiyo.
Kalmada labaad waxa qaatay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waxa uu Sheekhu kalmadiisa uga hadlay baraarujin guud iyo dulmar guud oo uu ku sameeyay ciwaanka sanadkan lagaga hadlayay Kulan Cilmiyeedka 9aad, waxa uu intaa kadib u galay ka hadlidda fidnada iyo calaamadaheeda ,waxa uu kadib Sheekhu is dultaagay sharxidda khubadii Nabiga Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaatee u jeediyay Dadka “Khudbatul Wadaac- khudbadii sagootiska” wuxuna Sheekh C/qaadir Bulshada u tilmaamay in ay waajib tahay in laga fogaado waxayaabaha uu Nabigu CSW uga digay khubadiisa oo ay ka mid tahay in dadku aysan is dilin dhiigoodana aysan daadin , kadib waxa uu Sheekhu u galay in uu tilmaamo ka bixiyay adoomadaha alle wuxuuna tilmaamay sifooyinkooda iyo wanaagooda ,intaa kadib waxa uu Sheekhu dhalinyarada u jeediyay talooyin wuxuuna uga digay hagar daamooyinka loo maleegayo wuxuuna xusay in ay wanagsan tahay in qofka dhalinyarada ahi uu wacyi u leeyahay waxyaabaha lagu dhibaataynayo,Sheekh C/qaadir waxa uu sidoo kale bulshada qeybaheeda kala duwan uga digay dilalka ay isku geysanayaan ee micno darada ah waxa uu bidhaamiyay waxyaabaha ka dhalanaya ee cuquuba ah naf muslim ah oo la dilo wuxuuna xusay in dilalku sidii ay u socdeen marba heer u gaadhayeen ay taagan tahay hadda in Masaajidii la isku soo galo lana laayo dadkii masaajidda u soo salaad doontay .
Intaa kadib waxaa kalmada la siiyay Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur wuxuuna warbixin guud ka bixiyay Gudiga Abaaraha oo bil ka hor lagaga dhawaaqay Gobolka Bari wuxuuna Sheekhu xusay in Boqol iyo todobaatan kun oo Dollar oo dadka laga aruuriyay looguna tala galay in la gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu fara saareen, Sheekhu waxa uu warbixintiisa ku so bandhigay muuqaalo muujinaya sida ay abaaruhu u saameeyeen dadka , deegaanka, xoolaha iyo geedaha wuxuuna sheekhu intaa ku daray in meelaha ay soo mareen ka gudi ahaan ilaa 50 Tuulo ayna indhahooda ku soo arkeen sida ay abaartu deegaanka u saameysay.
Sheekh Fu’aad waxa uu ugu dambeyntii u mahad celiyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay abaaraha ee lacagaha ugu deeqay walaalahooda dhibaateysan wuxuuna u duceeyay dhamaan intii ganac ka geystay arintaas, wuxuuna ugu dambeyntii hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in dadka abaareysan ay wax ka sugayaan dadka walaalahooda .
Waxaa kulan cilmiyeedka 9aad caawa lagu soo gaba gabeeyay baaq dhinacyo badan taabanayay oo uu akhriyay Sheekh C/qani Qorane Maxamed oo ka mid ahaa culimadii casharada ka jeedisay Nadwada intii ay socotay.
Sheekh Faarax maxamed Cajab oo ahaa xidhiidhiyaha Nadwada intii ay socotay ayaa u mahad celiyay dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ,wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay qeybaha kala duwan ee Warbaahinta ee ka qeyb qaatay Nadwada sidoo kalena dadka u fududeeyay in ay meelo kala duwan ka dhageystaan Nadwada.

muuqaalka dhismaha masjidka Al rowda

culimada oo aan wali soo fadhiisan qaadacada -midig xidhidhiyaha nadwad

fadhiga culimada oo dhan

Culimada oo wada fadhida

midig- Sheekh Maxamed Maxamuud Xaliike - dhex: sheekh C/qaadir Nuur faarax -Bidix: Sheekh C/qani Qorane Maxamed

Midig Sheekh Maxamed Maxamuud Xaliike - bidix Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

Miidig Sheekh C/qaadir Nuur Faarax bixid- Shekh C/qani qorane Maxamed

midig Sheekh C/qani Qorane Maxamed - bidix Sheekh Shuceyb Xaaji Nuur

Sheekh Xasan Xuseen Axmed oo jedinaya kalmada bararujinta ah

Sheekh C/qadir Nuur Faarax oo jeedinaya kalmada Naseexada ah

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo jeedinaya kalamada Naseexada ah

Sheekh Fu'aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka warbixinaya Abaaraha

Sheekh C/qani Qorane Maxamed oo akhrinaya Bayaanka khitaamka ah

dadweynaha oo dhageysanaya dhaamaadka kulan cilmiyeedka

dadweynaha oo dhageysaya kalmadaha culimadu jeedineyso

Related posts:
maasha Allaah kheyr Alle ha ugu bedelo culimada, camalkoodana Alle ha u barakeeyo. sida wanaagsan ee ay umada ugu bidhaamiyeen waxyaabo badan oo maanta muhim u ah bulshada inay garato..
Anaga aan ku waano qaadano wacdiga