Sheekh Maxamed Maxamuud Xaliike oo darsigii 8aad caawa ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee M.Boosaaso mowduuc ciwaankiisu ahaa (Waajibaadka Madaxda saaran iyo ka gaabintooda Bulshada in ay dhaqanka Islaamiga ah ku hogaamiyaan ama ku hormariyaan)

Published on April 26, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Kulan cilmiyeedka 9åad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee Magaalada Boosaaso ayaa caawa galay habeenkiisi sideedaad oo xidhiidh ah waxaana caawa darsiga soo jeediyay Sheekh Maxamed Maxamuud Xaliike oo badlaay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo dariga ku qoraa kadib markii uu Sheekhu Xanuunsaday.Sheekh Maxamed Maxamuud Xaliike  ayaa ugu horeyn darisga ku bilaabay sharax kooban oo mowduuca si guud wuxuuna tilmaamo koob kooban ka bixiyay waxa laga doonayo dadka Mas’uuliyiinta laga doonayo in ay dadka maamulka u dhiibtay aysan noqon kuwo ka dhex baxsan mar walbaa ,waxa uu intaa kadib si kooban u sharxay ciwaanka darigiisa oo aha Waajibaadka Madaxda saaran iyo ka gaabintooda Bulshada in ay dhaqanka Islaamiga ah ku hogaamiyaan ama ku hormariyaan.

Sheekhu waxa uu tilmaamay in dad kastaa ay yihiin kuwo ku xidhan sida ay ula dhaqanto Maamulkooda ama maamulkaasi uu bulshadiisa ula dhaqmo Bulshadiisa wuxuuna soo qaatay hadalo ay arimahaas ka yidhaahden Culimadii Salafku arintaas ,wuxuuna xusay in Sheekh ka mid ah Culimadii Salafka uu yidhi hadii Ducadeyda Musatajaabada ah la i waydiin lahaa oo la i dhihi lahaa yaad u duceyneysaa uu yidhi waxaan u duceyn lahaa Qofka Mas’uulka ah, waxa intaa kadib uu Sheekh Maxamed Maxamuu Xaliike sheegay in hadii Maamulku hagaago dadkuna ay yihiin kuwo hagaagsan lana helayo barakadii maamulka.

Sheekhu waxa uu Sheegay in maamulka ugu kheyrka badan ay yihiin kuwa uu Nabigu Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaatee ay yihiin kuwa la jecel yahay iyaguna dadka jecel kuwa la neceb yahayna ay yihiin kuwo idin neceb oo idin lacnadaya idinkuna aad lacnadeysaan, Sheekhu waxa uu tilmaamay in hogaaminta ama mas’uuliyadu ay tahay amaano aad u weyn lagana doonayo qofka mas’uulka ah in uusan ku xad gudbin mas’uuliyadda saaranlagana doonayo in ay bulshada ugu hogaamiyaan sida ay dooneyso balse aysan suura gal ahayn in ay bulshada u hogaamiyaan sida ay iyagu doonayaan, waxa uu Sheekhu intaa ku daray in maamulku uu yahay mid bulshada hogaan u ah matalana lagana doonayo in uu xaqiijiyo yoolalka ay higsaneyso ama ay doonaso in ay xaqiijiso.

Sheekhu waxa uu tilmaamay in xilka iyo mas’uuliyadu ay yihiin amaano Maalinta qiyaamane ay noqoneyso shaleysto iyo qowmameyn hadii aan cadaalad loo sameyn wuxuuna halkaa u soo daliiliyay Xadiis Nabiga CSW ka sugnaaday uuna wariyay Saxaabiga lagu magacaabo Camar Ibnu Caas

Shekhu waxa uu intaa kadib is dul taag ku sameeyay Xadiiska Nabiga ka sugnaaday ee Macnihiisu ahaa كلكم مسؤول وكلكم مسؤول عن رعيته  sharixada uu Sheekhu ku sameeyay Xadiiskaas waxa uu sidoo kale tilmaamay in mas’uuliyadda ama xilku aysan ahayn mid la doono balse ay haboon tahay in qofka lala soo doonto marka qofka ay bulshadu la soo doonatana uu qofkaasi noqonayo mid bulshada si wanaagsan ugu shaxeeya ama maamula,wuxuuna bidhaamiyay in qofka xaakimka ah laga doonayo in dadka iyo aduunkaba uu ku hogaamiyo Diinta Alle.

Sheekhu waxa uu sidoo kale soo qaatay hadal uu yidhi Sheekh Ibnu Taymiya Alle ha u naxariistee kaas oo uga hadlayay Maamulka ama hogaanka waxa laga doonayo in ay tahay in uu Dinta Alle dadka ku hogaamiyo haday taasi dhacdana waxa imanaya ayuu yidhi in ay hagaagaan maamulka iyo dadka la maamulayaba hadii ay taasi dhici weydana ay dhalaneyso dayac badan,sidoo kale waxa uu soo qaatay hadal uu yidhi Imamu Shaafici oo ahaa Siyaasad ma jirto ilaa wixii sharciga waafaqa mooyee ,wuxuuna Sheekh Maxamed xusay in Culimadii Salafka hadaladooda laga fahmayo in mas’uuliyiinta laga doonayo in dadka ay u hogaamiyaan sida ay Shareecada Islaamku qabto.

Shekhu intaa kadib waxa uu sheegay in Calaamadaha Qiyaamo waxyabaaha lagu garto ay ka mid tahay amaanada oo la waayo iyo maamulka oo ayqabtaan ama u ganac gala dad aan u qalmin ayna dhaceyso dadku in ay ku daba fiylaan kan dhexdooda ugu qalafsan uguna xun ugana khiyaamada badan, sidoo kale waxa uu tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay arintaasi tahay mid u muuqaneysa.

Sheekh Maxamed waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadka Maamulka ah laga doonayo in aysan khiyaameyn bulshada ay maamulayaan wuxuuna tilmaamay in maamulka ama mas’uulka laga doonayo in mar walba uu cadaadda ka shaqeeyo balse aysan dhicin in sida uu doonayo uusan wax u maamulin

Sheekh Maxamed Maxamuud waxa uu intaa kadib u soo gudbay xaalada ay ku sugan yihiin dadka Soomaalida ah ee Maamulka haya in ay yihiin kuwo Bulshada aan u hogaamin sidii laga doonayay balse ay yihiin manfoco raac ,waxa uu sheegay in dadka xil loo dhiibayo in guno ahaan ama mushahaar ahaan loo siiyo wax kaafin kara ama dabooli kara baahidiisa

Sheekhu waxa uu darsiga ku soo gaba gabeeyay dhowr qodob oo talooyin ah oo uu u jeediyay dadka maamulka ah wuxuuna ku booriyay in ay Alle uga cabsadaan mas’uuliyadda ay hayaan wuxuna xasuusiyay in mas’uuliyadda ay hayaan Alle uu kula xisaabtami doono xilalkii ay bulshada u hayeen sidii ay uga soo baxeen iyo sida ay ka yeeleen.

Darsiga Sheekh Maxamed Maxamuud Xaliike kadib waxa ay Culimadu ka jawaabeen su’aalo kala duwan oo ay soo weydiiyeen waxaana caawa si wada jir ah uga wada jawaabay Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen , Sheekh Daahir Aw Cabdi , Dr Saadaq Eenow iyo Sheekh Maxamed Macalin Axmed.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo darsigi afaraad oo ciwaankiisu ahaa (waxa laga doonayo Ganacsadaha Muslimka Xaquuqdiisa iyo waajibaadka saaran) caawa ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al rowda ee Magaalada Boosaaso
  2. Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo Nadwada Masjidka Rowda ee M. Boosaaso caawa ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ” Aragtiyo koob kooban oo ku aadan Xalka Mushkilada Soomaaliya”
  3. Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ee M. Qardho caawa ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ““ dhibaatooyinka Mukhaadaraadka”
  4. Sheekh Faysal Cali Faarax oo Caawa Nadwada Masjidka Al-hudda ee M. Laascaanood ugu hadlay mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “isku xukumida waxa uusan Alle soo dajin”
  5. Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Caawa darsigii sadexaad oo ciwaankiisu ahaa (KAALINTA CULIMADA IYO ARDAYDA NASEEXEYN IYO SIXITAAN) ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9-aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee M. Boosaaso

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo darsigi afaraad oo ciwaankiisu ahaa (waxa laga doonayo Ganacsadaha Muslimka Xaquuqdiisa iyo waajibaadka saaran) caawa ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al rowda ee Magaalada Boosaaso
  2. Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo Nadwada Masjidka Rowda ee M. Boosaaso caawa ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ” Aragtiyo koob kooban oo ku aadan Xalka Mushkilada Soomaaliya”
  3. Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ee M. Qardho caawa ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ““ dhibaatooyinka Mukhaadaraadka”
  4. Sheekh Faysal Cali Faarax oo Caawa Nadwada Masjidka Al-hudda ee M. Laascaanood ugu hadlay mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “isku xukumida waxa uusan Alle soo dajin”
  5. Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Caawa darsigii sadexaad oo ciwaankiisu ahaa (KAALINTA CULIMADA IYO ARDAYDA NASEEXEYN IYO SIXITAAN) ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9-aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee M. Boosaaso

Latest Headlines