Roobab Saacado badan qaatay oo ka da’ay gobalada koofurta Soomaaliya

Published on April 26, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Wararka ka imaanaya gobalada koofureed ee wadanka Soomaaliya ayaa sheegaya in xaley ilaa shaley roob xoogan ay ka de’een deegaano fara badan oo ka mid ah kuwa koofureed, gaar ahaan gobolada  Hiiraan, Jubooyinka, Gedo, Baay iyo Bakool.

Meelaha wararka naga soo gaareen ee roobabka ay ka da’ayeen illaa shaley waxaa ka mid ah.

Gobolada Baay iyo Bakool degmooyinka Baydhabo, Buurhakaba, Diinsoor, Ufurow, Qansax dheere iyo Waajid. Waxaa la sheegay in Diinsoor uu ka da’ay roobka ugu badnaa oo dadku ku tilmaameen mahiigaan.

Dhanka gobolka Hiiraan waxaa uu roobku ka da’ay degmooyinka Jalalaqsi, Ceelcali iyo Buuloburde iyo sidoo kale tuulooyin hoos yimaada degmooyinkaasi.

Sidoo kale degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa la xaqiijiyey in roobabku xilliga Guga ay ka curteen.

Dhanka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in degmada Xagar iyo tuulooyin hoos yimaada uu roobka Guga uu ka da’ay waqti ku dhow 24 saac oo xiriir ah, waxaana la sheegayaa in warihii ay biyo buuxsameen oo hareedu iminka baliyada ay jiifto.

Dadka ayaa guud ahaan aad ugu farxay raxmaadka Alle weyne ku maneystey adoomadiisa gaajada iyo haraadka isugu darsameen.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Roobab Xalay ka Da’ay inta badan Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.
  2. Roobab lagu Qabowsaday oo maanta ka Da’ay gobalada Bakool iyo Jubada Dhexe
  3. Roobab ay Dadku ku farxeen oo ka da’ay gobalo ka mid ah wadanka Soomaaliya
  4. Roobab ka Da’ay qaar kamida Gobolada Dalka.
  5. Roobab Saacado xidhiidh ah socday oo ka da’ay Degmada Afgooye

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Roobab Xalay ka Da’ay inta badan Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.
  2. Roobab lagu Qabowsaday oo maanta ka Da’ay gobalada Bakool iyo Jubada Dhexe
  3. Roobab ay Dadku ku farxeen oo ka da’ay gobalo ka mid ah wadanka Soomaaliya
  4. Roobab ka Da’ay qaar kamida Gobolada Dalka.
  5. Roobab Saacado xidhiidh ah socday oo ka da’ay Degmada Afgooye

Latest Headlines