Kulan diini ah oo ay ka soo qeybgaleen culimo fara badan oo shaley ka furmey magaalada Neyroobi

Published on April 26, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Kulan cilmiyeed diini ah oo mudo afar maalmood socon doona ayaa shaley oo Isniin aheyd si rasmi ah waxaa uu uga bilowmay dugsiga sare ee Islii ee xaafada Islii ee magaalada Neyroobi.

Kulankan oo mudada uu socdo laga jeedin doono muxaadarooyin diini oo ku saabsan qeybaha kala duwan ee waaqica nolosha guud ahaan iyo diinta ayaa waxaa ka soo qeybgaley culimaa’udiin badan oo ka kala yimid daacafaha adduunka kuwaasoo muxaadarooyin ka hadlaya mawaadiic kala duwan ka jeedin doona kulanka afarta maalmood socon doona.

Culimada ka soo qeybgashey kulankan waxaa ka mid ah Shiikh Cusmaan Xasan oo ka yimid Jabuuti, Shiikh Axmed Siyoolow oo ka yimid Tansaaniya, Shiikh Axmed Xasan Qudubi oo ka yimid Maraykanka, Shiikh C/laahi Yuusuf oo ka yimid Gaarisa iyo culimo kale oo qaarkood ka yimaadeen Soomaaliya.

Muxaadarooyinkii furitaanka ee maalintii shaley oo ahaeyd maalintii koowaad ayaa waxaa guddiga qabnqaabadu ay sheegeen in kulanka la rajeynayo inuu noqdo mid wax badan dadka uga faa’ideeya arimaha ay uga baahan yihiin inay ka bartaan diintooda, waxaana kulanka dadweynaha loo ogolaaday inay su’aalo weydiiyaan culimada.

Dadka ka soo qeybgalaya kulanka ayaa lagu qiyaasey in ku dhow 10 kun oo ruux oo isugu jira muslimiin kala jinsiyado ah oo doonaya inay dhamaantood ka faa’ideystaan kulan cilmiyeedkan ay fursada u heleen, kaasoo qabanqaabadiisa ay suurgaliyeen guddi dhalinyaro ah oo ka dhisan magaalada Neyroobi.

Si kastaba ha ahaatee kulan cilmiyeedkan aadka u balaaranayaa maalintii shaley ku furmey jawi qurux badan iyo nabad waxaana la filayaa in mudada afarta maalin ah ee uu socon doono uu sidaasi ku ebyoomo Alle idankii.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Khasaare fara badan oo ay geysteen madaafiic shaley lagu garaacay xaafado ka mid ah Muqdisho
  2. Khasaare badan oo Ciidamada AMISOM Weerarkii Shaley ka soo gaarey.
  3. Kulan u furmey Wafdigii Culimada Muslimiinta ka socdey & Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed.
  4. Taliska booliiska Puntland oo ka hadlay dil shaley magaalada Boosaaso ka dhacay
  5. Shiikh Shariif iyo Yuweri Musefevi oo kulan ku qaatay Kampaala

Readers Comments (1)

  1. Suhayr says:

    Asc
    Walaalayaal ma dacwadii islaaxa ayaa dacaayad meel ay ku faafisato guri u noqoteen

    wsc




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Khasaare fara badan oo ay geysteen madaafiic shaley lagu garaacay xaafado ka mid ah Muqdisho
  2. Khasaare badan oo Ciidamada AMISOM Weerarkii Shaley ka soo gaarey.
  3. Kulan u furmey Wafdigii Culimada Muslimiinta ka socdey & Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed.
  4. Taliska booliiska Puntland oo ka hadlay dil shaley magaalada Boosaaso ka dhacay
  5. Shiikh Shariif iyo Yuweri Musefevi oo kulan ku qaatay Kampaala

Latest Headlines