Gudiga doorashada barlamaanka KMG Soomaaliya oo sheegay inay dooranayaan madaxwayne cusub bisha Agoosto

Published on April 26, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Guddiga doorashada barlamaanka DFKMG Soomaaliya oo ah guddi uu mar hore magacaabay gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxay shaaca ka qaadeen in doorashada madaxwaynaha DKMG ay qaban doonaan bisha Agoosto ee sanadkan eynu ku jirno.

Waxaa arinkaasi si rasmi ah u sheegay Afhayeenka Gudiga doorashooyinka Xareed Xasan Cali oo shaley shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho isagoo sheegay in doorashada madaxwaynaha iyo mida barlamaanka ay dhacayaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in kulamo maalmihii la soo dhaafay ay ku lahaayeen gudaha magaalada Muqdisho ay ku go’aamiyeen in la qabto doorashada, isagoo intaa ku sii daray in hada ay bilaabatay qabashada warqaahaha musharaxiinta roba inay tartanka galaan.

Dhanka kale mar uu ka hadlay go’aankii golaha wasiirada DKMG soo saareen maalintii shaley ee ahaa in doorashada dib loo dhigo mudo sanad ah ayaa wuxuu afhayeenku ku tilmaamay waxba kama jiraan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in iyagu maqleen in Madaxweynaha uu doorasho diyaar u yahay sidaasna ay og yihiin hadii uu taas ka hor yimaadana, inay tahay mid aan hadalkiisa meel loo raaco laheyn.

Dhawaaqa gudiga ayaa wuxuu ku soo beegmaya iyadoo weli meel sare uu marayo khilaafka ka dhex jira qaar ka mid ah barlamaanka iyo gudoonkiisa  oo meel ah iyo xukuumada, madaxwaynaha iyo qaar ka mid ah barlamaanka oo iyaguna meel ah.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Gudiga qaban qaabada Doorashada Barlamanka KMG ah oo sheegay in Jimcaha ay noqon doonto maalinta doorashada
  2. Madaxwayne Shariif oo maanta ka hadlay waqti kordhintii barlamaanka KMG iyo walaaca beesha caalamka
  3. Guddiga dib u heshiisiinta barlamaanka KMG oo madaxwaynaha ugu baaqay inuu sharciga ilaaliyo
  4. Taliyaha ciidanka madaxtooyada DFKMG ah oo sheegay inay fariisimo cusub ku qabsadeen dagaalka
  5. Aadan Madoobe oo Magacaabey,Gudiga Doorashada Madaxweynaha.

Readers Comments (1)

  1. maxmed shiikh says:

    asw
    maxaa diidan in doorasho la qabto hadii waqtigii dhamaaday?
    maxa diidan in loo kordhiyo dowladda sanad ilayn baarlamaankuba sadeex sano ayuu kororsadaye?
    waxay ila tahay hadii uusan ahayn quraan aan la badali karin qolo kasta xaq ayay leedahay

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gudiga qaban qaabada Doorashada Barlamanka KMG ah oo sheegay in Jimcaha ay noqon doonto maalinta doorashada
  2. Madaxwayne Shariif oo maanta ka hadlay waqti kordhintii barlamaanka KMG iyo walaaca beesha caalamka
  3. Guddiga dib u heshiisiinta barlamaanka KMG oo madaxwaynaha ugu baaqay inuu sharciga ilaaliyo
  4. Taliyaha ciidanka madaxtooyada DFKMG ah oo sheegay inay fariisimo cusub ku qabsadeen dagaalka
  5. Aadan Madoobe oo Magacaabey,Gudiga Doorashada Madaxweynaha.

Latest Headlines