Sheekh C/qani Qorane Maxamed oo caawa darsigii 7aad ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda M. Boosaaso cinwaankiisuna ahaa “Digid looga digayo Shacabka Soomaaliyeed hagardaamooyinka Beesha Caalamka iyo kuwa gobolka”

Published on April 25, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaa caawa habeenkii 7aad oo xidhiidh galay kulan cilmiyeedka Sagaalaad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee Magaalada Boosaaso waxaana caawa darsiga jeediyay Sheekh C/qani Qorane Maxamed wuxuuna ka hadlay mowduuc cinwaankiisu ahaa “Digid looga digayo Shacabka Soomaaliyeed hagardaamooyinka Beesha Caalamka iyo kuwa gobolka”Waxa uu ugu horeyn Sheekh C/qani Qorane Maxamed Dariga ku bilaabay taariikh kooban oo la xidhiidha dadka Soomaalida ah iyo sidii ay diintu ku soo gaadhay, dhaqankoodu sida uu ahaa ,intaa kadib waxa uu uga gudbay in uu si guud dulmar ugu sameeyay hagardaamooyinkii  xiliyadii hore ay reer galbeedku Soomaalida la dooneen waxyaabihii uga hirgalay iyo guul darooyinkii ay kala kulmeen .

Sheekh C/qani Qorane intaa kadib waxa uuu galay in uu bayaamiyo qaababka ay ku soo bilowdeen hagardaamooyinka taxanaha ee marba wajiga yeelanaya  ee loo maleegayo bulshada Soomaaliyeed wuxuuna xusay in haragdaamooyinkaas ay lahaayeen heerar iyo wajiyo kala duwan iskudayaduna ay ahaayeen kuwo hadba wajiga laga soo badalo dad kalena loo soo dhiibo si halkaa looga sii wado isku dayadii fashilmay.

Intaa kadib waa uu Sheekhu tilmaamo kala duwan ka bixiyay qorshayaasha ay shisheeyihu la damacsan yihiin Soomaaliya wuxuuna ka xusay in ay kid tahay in Dalka Soomaaliya la yidhaahdo sida hadda uu yahay aan waxba laga badalin in la sii xumeeya ma ahane sidoo kalena qorshayaashaas ay laga arkayo colaada hadba wajiga cusub la soo baxaysa ee Soomaaliya,wuxuuna intaa ku filaaqay in ay nasiib daro tahay in dadkii wacyiga lahaa ee Bulshada hogaanka u noqon lahaa kana saari laha xaalada adag hadda la marayo ay u guntadeen kala googoynta dalka qolo kastaan ay isku magacowday maamul ay ledahay in uu jiro taasina ay horseed ka noqotay in Beesha Calamku ay aqoonsi gaar ah siiso hadba qoladii maamul la ku dhawaaqata.

Sheekhu waxa uu tilmamo kale ka bixiyay duulaamada kala duwan ee dalka lagu soo qaaday wuxuuna bidhaamiyay in arimahaas ay ku jirto dalka oo kheyraadkiisi la daldalanyo badalka taasna loo keenayo sun lagu aaso dalka ama lagu shubo badda wuxuuna intaa raaciyay in dhaq dhaqaaqa mudooyinkan ka soo shaac baxay dhanka badda uu yahay qorshe caalami ah caalamkuna uu doonayo in uu xaaladufin ku sameeyo kheyraadka ku jira badda Soomaaliya sidoo kalena uu ka dhigo qashin qub.

Dhibaatooyinka ay wadamada dariska la ah Soomaaliya ku hayaan dalka ayuu ka xusay in ay ka mid tahay hurinta colaada iyo la safashada dhinacyada isku heysta micno darada,midda taas ka sii darana ay tahay qaadka ay dalka soo galinayaan wuxuuna halkaa u soo qaatay  muuqaalo muujinaya warbixinada laga qoray arintaas iyo waxyaabaha ka dhalanaya mustaqbal ahaan ama raadadka aan dhamaaneyn ee ay hagardaamooyinkaasi horseedayaan.

Sheekh C/qani Qorane waxa uu bulshada ugu baaqay in laga doonayo in ay aragti dheer u yeeshaan Hey’aadka dalka ku sugan iyo falalka waxashnimada ah ee ay mudooyinkan dambe wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in dadkii hogaanka ahaa ama madaxda sheeganayay ay yihiin kuwo dhacdooyinka foosha xun ee ay hey’aadkaas sameynayaan arka balse aan sameyn karin wax dhaq dhaqaaq ah kuna eg oo kaliya difaacidooda iyo horsocdkooda.

Waxa uu Sheekhu darsigiisa ku soo koobay Sawiro kala duwan oo uu is barbar dhig ugu sameynayay dalka intuusan burburin iyo  burburkiisa kadib iyo sidoo kale muuqaalo muujinaya hagardaamooyinka lagu hayo dalka dhulkiisa,badiisa iyo dadkiisaba .

Darsiga Sheekh C/qani Qorane Maxamed waxa ay Culimadu ka jawaabeen su’aalaad kala duwan oo ay soo weydiyeen dadka la socda kulan cilmiyeedka waxaana caawa su’aalaha ka jawaabay Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen iyo  Sheekh Shuceyb Xaaji Nuur.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo darsigi afaraad oo ciwaankiisu ahaa (waxa laga doonayo Ganacsadaha Muslimka Xaquuqdiisa iyo waajibaadka saaran) caawa ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al rowda ee Magaalada Boosaaso
  2. Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen iyo Sheekh C/Raxmaan Maxamed Dhowre ’Bukhaari’ oo si wadajir ah caawa uga jeediya mowduuc cinwaaniisu ahaa (Naseexo Guud oo Umadda ku saabsan) kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al rowda ee M.Boosaaso
  3. Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Caawa darsigii sadexaad oo ciwaankiisu ahaa (KAALINTA CULIMADA IYO ARDAYDA NASEEXEYN IYO SIXITAAN) ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9-aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee M. Boosaaso
  4. Dr Axmed Saadaq Eenow oo caawa Darsigii labaad oo ciwaankiisu ahaa (Naseexo Guud oo ku saabsan Caafimaadka oo lagu eego aragti islaami ah) ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee M. Boosaaso
  5. Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ee M. Qardho caawa ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ““ dhibaatooyinka Mukhaadaraadka”

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo darsigi afaraad oo ciwaankiisu ahaa (waxa laga doonayo Ganacsadaha Muslimka Xaquuqdiisa iyo waajibaadka saaran) caawa ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al rowda ee Magaalada Boosaaso
  2. Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen iyo Sheekh C/Raxmaan Maxamed Dhowre ’Bukhaari’ oo si wadajir ah caawa uga jeediya mowduuc cinwaaniisu ahaa (Naseexo Guud oo Umadda ku saabsan) kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al rowda ee M.Boosaaso
  3. Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Caawa darsigii sadexaad oo ciwaankiisu ahaa (KAALINTA CULIMADA IYO ARDAYDA NASEEXEYN IYO SIXITAAN) ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9-aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee M. Boosaaso
  4. Dr Axmed Saadaq Eenow oo caawa Darsigii labaad oo ciwaankiisu ahaa (Naseexo Guud oo ku saabsan Caafimaadka oo lagu eego aragti islaami ah) ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee M. Boosaaso
  5. Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ee M. Qardho caawa ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ““ dhibaatooyinka Mukhaadaraadka”

Latest Headlines