Weerar kalluumeysato Soomaali ah lagu laayey oo ka Dhacay xeebta degmada Hobyo

Published on April 21, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa soo sheegay in ugu 5 ruux oo kaluumeysato Soomaali ah la dilay ilaa 8 kalana dhaawacyo ay ka soo gaareen kadib markii xaley fiidkii markab dagaal oo xeebta ku soo dhowaaday iyo diyaarad la socotay ay soo weerareen xeebta Hobyo.

Wararka ayaa sheegaya in markabka dagaal iyo diyaarada ay duqeyn ka geysteen xeebta Hobyo waxaana markaasi xeebta joogay doonyo kalluumeysi iyo ragii lahaa, waxaana goobta ku geeriyooday 5 ruux waxaana ku dhaawacmay 8 kale.

Odayaal iyo ganacsato reer Hobyo ah oo maanta warbaahinta qeybaheeda kala duwan u waramay ayaa waxay sheegeen in weerarka ay geysteen markab iyo diyaarad wada socday oo xeebta u soo dhowaaday kadibna duqeyn ku bilaabay xeebta Hobyo.

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac waxaa dheer doon weyn oo kaluumeysi oo meeshaas ku burburtey taasoo uu lahaa nin kaluumeyste ah oo reer Hobyo ah.

Odayaasha iyo ganacsatada waxay sheegeen inaysan garan karin wadanka laga lahaa markabka iyo diyaarada falkaasi geystay maadama waqtiga uu ahaa habeen.

Dhacdadan ayaa walwal wayn ku abuurtey kaluumeysatada deegaanada Mudug oo mar horaba dhibaato ku hayaan ciidanka shisheeye ee badaha wareega iyo qowleysatada budhcad badeeda ee qafaalata maraakiibta iyo doonyaha mana ahan markii ugu horaysay oo dhibaato ciidamada shisheeye ee ku sgan xeebaha wadanka u geystaan dad kalluumeysato ah oo ay dil iyo dhaawac u gaystaan ama ay ka burburiyaan qalabkooda kalluumeysiga.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Readers Comments (1)

  1. nuur says:

    ha la iska celiyo gaalada wadan ka ku soo duushay ee waxwalba laynaysa
    kuwa budhcad badeeda lugu sheegayaana waa xalka qudha ee la iskaga riixi karo gaaladan kaluumaysatada laynaysa markaa waxan ku talin lahaa dhamaan qoria hala qaato oo la iska celiyo dadkan ku soo duulay badii soomaaliya budhcadbadeedna yaan lugu sheeegin raga raga ah ee bada difaacaaya




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

Latest Headlines