Maxkamada gobalka Banaadir ayaa maanta xabsiga ka siideysay hogaamiye kooxeedkii Maxamed Dheere oo mudo ku dhow labo bil ku xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar.
Maxkamada oo maanta la hor geeyey Maxamed Dheere ayaa sheegtay inlagu waayey eedihii loo heystey Maxamed Dheere waxaana laga siidaayey xabsiga.
Gudoomiyaha maxkamada gobalka Banaadir Xaashi Cilmi ayaa sheegay in xeer ilaalinta ay keeni weysay wax cadeymo ah eedaha loo soo jeediyey Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere waxaa la xiray bartamihii bishoohore kadib marki gurigiisa xili maqrib ah ay ka soo qabteen ciidanka Yugaandha ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Waxaa lagu eedeeyey inuu isaga ka danbeeyey falkii lagu diley afar ruux oo rayid ah kuwaasoo bishii hore mudaaharaad dawlada lagu taageerayo ka dhigayey meel u dhow xarunta madaxtooyada.
Waxaa wali xiran afar nin oo ahaa maleeshiyaadkii Maxamed Dheere kuwassoo aaan la sheegin iyagana goorta maxkamada la geyn doono.

Related posts: