Madaafiic dad rayid ah ku dishey degmada Yaaqshiid

Published on March 27, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Labo ruux oo sida la sheegay dumar ah ayaa ku geeriyooday afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib madaafiic xalay ku dhacday xaafada la yiraahdo Juungaloo ka tirsan  degmada Yaaqshiid.

Qof goobjooge ah oo ku sugnaa Xaafada dhibaatada ka dhacday ayaa sheegay in xilli fiid ahyed, banaankana ay fadhiyaan mid ka mid ah madaafiicda uu guri u dhowaa uu ku dhacay, labo haweena ay ku dhimatay, waxaana uu xusay in madfac kale uu sidoo kale dhaawacay ilaa afar kale.

Xiiliga Madaafiicda soo dhacayeen ayaan wax dagaal ah ka socon Caasimada, hase ahaatee madaafiicda ayaa laga soo tuurey saldhigyada ciidamada Amisom ee ku yaala agagaarka garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada dadka ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka, sida ay sheegeen saraakiil gaadiidka Ambalaaska oo lagu soo wargeliyay markii dhibaatada ka dhacday xaafada.

Xaafada ay madaafiicdu ku dheceen ayaa ka mid ah xaafadaha fara ku tiriska ee dadka ay dib ugu laabteen, iyadoo mararka qaar dadka ay cabsi ka qabeen inay dhacdo madaafiic lagu soo garaaco xaafadahooda oo ka dhasha dhimasho iyo dhaawac.

Inta badan madaafiicda lagu garaaco magaalada ayaa had iyo jeer khasaare gaarsiiya dadka rayidka ah oo ay rasaastu ugu tagto guryahooda.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 6 Qof oo 5 Caruur Tahey oo Xaafada Tiida Madaafiic Ku Dishey.
  2. Ciidamada Dawladda oo Nin Rayid ah ku Dilay Degmada Yaaqshiid
  3. Dad Rayid ah oo Degmada Hodan lagu dhibaateeyay
  4. 3 Qof oo Rayid ah oo lagu diley Xaafada Towfiiq ee Deg. Yaaqshiid.
  5. Qasaare ka dhashay Madaafiic ku dhacday Deg. Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 6 Qof oo 5 Caruur Tahey oo Xaafada Tiida Madaafiic Ku Dishey.
  2. Ciidamada Dawladda oo Nin Rayid ah ku Dilay Degmada Yaaqshiid
  3. Dad Rayid ah oo Degmada Hodan lagu dhibaateeyay
  4. 3 Qof oo Rayid ah oo lagu diley Xaafada Towfiiq ee Deg. Yaaqshiid.
  5. Qasaare ka dhashay Madaafiic ku dhacday Deg. Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Latest Headlines