Jaaliyada Beesha Gaaljecel oo deeq raashiin ah gaarsiisay dadka abaaraha saameeyeen ee Galbeedka Jowhar [SAWIRRO]

Published on March 27, 2011 by   ·   2 Comments   ·   print

Jaaliyadah Beesha Gaaljecel ee dibadaha ayaa deeq gurmad ah oo ay soo marsiiyeen ragg ganacsato ah u sameeyay dadka walaalahooda ee abaaruhu ku saameeyeen deegaanada dhinaca Galbeed ee degmada Jowhar ee gobalka Shabeelaha Dhexe [SAWIRRO].

Deeqdan gurmadkan oo ka koobneyd Raashin iyo Saliid ayaa la gaarsiiyay ilaa 16-tuulo oo dhaca galbeedka Jowhar, halkaasoo ay ku nool yihiin dad abaaruhu ay saameeyeen oo u badnaa xoolo dhaqato.

Tuulooyinka deeqdan la gaarsiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa, Garasdheere, Jariirow, Maceey-tuurey, Carmooley, Jameeco Muqaar, madaxgeesi, Jameeco jiliyaale, Colow-baaley, Mooro gubad, Dag-wariiri, Muumin Weyne, Geedcadloow iyo tuulada Lafogare.

C/qaadir Daa’ud Muudey oo ka mid ahaa Masuuliyiinta loo xilsaaray qeybinta raashiinka ayaa ka mahad celiyay deeqdaas gurmadka, isagoo sheegay in xilli loo baahnaa ay soo gaarsiiyeen walaalaha qurbaha ku dhaqan.

Qoysaska kaalmada loo qeybiyay ayaa soo dhoweeyay deeqda gurmadka ah ee uga timid walaalahooda ku nool dalka dibadiisa, iyagoo ugu baaqay walaalahakale ee dibadaha ku nool inay sidan oo kale u kaalmeeyaan dadka abaarta ay saameysay ee dadka ku dhaqan.

Inta badan Tuulooyinkaas oo dhulkooda ahaa mid qalalan, isla markaana dhirta ay la qalashay roob la’aanta iyo abaarta ayaa waxaa horay uga barakacay qoys fara badan oo abaaraha saameeyay darteed meelo kale maciin biday.

Deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka mid ah goobaha abaaraha daran ay si xoogan u saameeyeen, waxaana mudooyinkii u dambeeyay socday is xilqaan ay wadeen ganacsatada oo la kaashanayay jaaliyadaha dibada, sidii walaalahooda ay u gar gaari lahaayeen.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Shirkada Hormuud oo deeq raashiin iyo lacag ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool Muqdisho [Sawiro]
  2. Hey’adda Haro oo Deeq dhar ah gaarsiisay dadka tabaalaysan ee ku dhaqan M. Garoowe
  3. Deeq lacageed oo ay soo direen jaaliyada Soomaalida Sweden oo loo qeybiyey barakacayaal [SAWIRO]
  4. Deeq loogu talagalay dadka abaaruhu ku dhufteen oo lagu wareejiyey DKMG
  5. Maamulka Puntland iyo Gacansatada M. Garoowe oo kulan yeeshay iskuna raacay in la caawiyo dadka ay Abaarahu saameeyeen

Readers Comments (2)

  1. maqane says:

    guud waadmahadsantihiin

  2. maqane says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk hanbalyo

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shirkada Hormuud oo deeq raashiin iyo lacag ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool Muqdisho [Sawiro]
  2. Hey’adda Haro oo Deeq dhar ah gaarsiisay dadka tabaalaysan ee ku dhaqan M. Garoowe
  3. Deeq lacageed oo ay soo direen jaaliyada Soomaalida Sweden oo loo qeybiyey barakacayaal [SAWIRO]
  4. Deeq loogu talagalay dadka abaaruhu ku dhufteen oo lagu wareejiyey DKMG
  5. Maamulka Puntland iyo Gacansatada M. Garoowe oo kulan yeeshay iskuna raacay in la caawiyo dadka ay Abaarahu saameeyeen

Latest Headlines