Xoogaga mucaaradka Liibya oo qabsaday magaalada Saliida Qaniga ku ah ee Ajdabiya

Published on March 26, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Wararka ka imaanaya wadanka Liibya ayaa sheegaya in Mucaaradka Libiya ay qabsadeen Magaalada Ajdabiya oo ah magaalada Saliida qaniga ku ah, iyadoo afhayeen u hadlay uu cadeeyay inay ku sii siqayaan magaalooyinka kale oo wadanka ka mid ah.

Qabsashadan ayaa ka danbeysay kadib markii duqeymo culus oo ay geysanayeen diyaarada reer galbeedka lagu garaacay fariisimihii ay lahaayeen ciidamada cirka ee wadanka Liibya kuwaasoo xaley isaga baxay magaalada Ajdabiya.

Habeenkii xalay oo dhan ayaa duqeymaha si xoogan loo maqlayay, waxaana gubanayay saldhigyo milateri iyo qeybta raadeerka, sidoo kale baabuur badan oo ay ku jiraan Taangiyo ayaa gubtay markii la duqeeyay.

Reer galbeedka ayaa u muuqda kuwo doonaya inay dalka Liibya gacana u geliyaan xoogaga mucaaradka ayna meesha ka saaraan hogaanka dawlada Liibya ee uu hogaamiyo Mucamar Qadaafi.

Ka sokoe duqeymaha waxaa wadanka uu hada ku jiraa xaalad bani’aadanimo oo khatar badan iyadoo aysan jirin wax adeeg bulsho ah sida caafimaadkii waxbarashada iyo waxtyaabihii kakle ee muhimka oo ka jira wadanka.

Dadka rayidka ayaa noloshooda ay aad u sii liidaneysaa , iyadoo duqeyn xagga cirkana ay ku hayaan ajaaniibta shisheeye ee ku soo duushay taasoo ay u dheer tahay naxariis darrada Qadaafi iyo mamulkiisa ay ku hayaan.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Iska horimaadyo culus oo ka socda liibya iyadoo mucaaradka ay soo rideen diyaarad ciidamadu leeyihiin
  2. Qadafi oo sheegay inuu shacabka u fasaxay bakhaaradii hubka ee wadanka Liibya
  3. Qaar ka mid ah waalidiin carruurtooda ay joogaan Wadanka Liibya oo codsi jeediyey
  4. Liibya iyo Morooko oo ku soo biiray mudaaharaadyada dadweyne ee ka dhacaya wadamada Carabta
  5. Saddex Soomaali ah oo xaley lagu dilay wadanka Liibya

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Iska horimaadyo culus oo ka socda liibya iyadoo mucaaradka ay soo rideen diyaarad ciidamadu leeyihiin
  2. Qadafi oo sheegay inuu shacabka u fasaxay bakhaaradii hubka ee wadanka Liibya
  3. Qaar ka mid ah waalidiin carruurtooda ay joogaan Wadanka Liibya oo codsi jeediyey
  4. Liibya iyo Morooko oo ku soo biiray mudaaharaadyada dadweyne ee ka dhacaya wadamada Carabta
  5. Saddex Soomaali ah oo xaley lagu dilay wadanka Liibya

Latest Headlines