Dibadbaxyo wata rabshado ayaa hareeyey wadanka Suuriya kuwaasoo looga soo horjeedo Dowlada dalkaasi iyadoo ay muuqato in uu la mid yahay kacdoonadii wadamada Carbeed ka dhacay.
maalintii shaley oo ay dibadbaxyadu bilowdeen ayaa isku dhacyo waxay salaadii jimcaha kadib ka dheceen Magaalada Deraa, halkaas oo kumanaan ruux ay isugu soo baxeen, waxaana dadkaas careysan ay gubeen Taaladii Madaxweynihii hore Suuriya Xaafid Al-Asad.
Shaley oo qurah ayaa la sheegayaa in 25-ruux ay ku dhinteen isku dhacyada kadib markii dadkaas ay toogteen Ciidamada Ammaanka, waxaana xiisado ballaaran ay ka jiraan magaalooyinka waaweyn ee dalka Suuriya.
Kacdoonadan oo la mid ah kuwii ka dhacay wadamada Carbeed qaarkood ayaa dadka wada waxay dalbanayaan in la qaado xukunka deg dega ee saaran dalkaas, iyo in dawladu joojiso cadaadiska ay ku hayso dadka.
wadanka Suuriya ayaa ah mid degan tan iyo intii rabshaduhu ka dhacayeen wadamada kale ee Carbeed oo badankood ka tirsanaa qaaradda Afrika, balse dadka qaar ayaa sheegaya in markan ay ku timid maamulayaasha Suuriya.
Dhanka kale Banaan baxyo ayaa ruxay Magaalada Caasimada u ah dalka Yemen ee Sanca, halkaas oo tobanaan kun ay isugu soo baxeen, waxaana dibad baxayaashu ay codsanayeen inuu xukunka ka dago Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax.

Related posts: