Odayaal dhaqameed ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa cabasho ka muujiyey falal dil ah oo ay sheegeen in beryihii u danbeeyey ay ku soo badanayeen gudaha degmooyinka gobalka Gedo gaar ahaana Beledxaawo.
Odayaasha oo maanta ka hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ciidamada ururka Ehlu suna ee gacanta ku haya degmada Balad Xaawo ay bilaabeen dilal qorsheysan oo ay u geysanayaan dadka shacabka ah uu ku sugan degmadaasi, iyagoo ku eedeeya inay yihiin dad Shabaab taageersan.
Sidoo kale waxay odayaashu sheegeen in siyaabo kala duwan saacadihii la soo dhaafay degmadaasi loogu dilay labo ruux oo mid ka mid ahaa wiil dhalinyaro ahaa kaasoo lagu eedeeyey inuu u dagaalami jirey ciidankii Al Shabaab.
Waxay Odayaasha baaq u jeediyaan DKKMG ah oo ay ugu baaqeen in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto falalkaasi ay geysanayaan ciidamada ku sugan Beledxaawo.
Horay ayaa saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa ururka Ehlu sunna waxay sheegeen inay jiraan dad ay ku eedeeyeen inay deegaanada gobalka ku hareen ayna abaabulayan falal iyaga ka dhan ah.

Related posts: