Maamulka G/Banaadir ee DKMG ah oo soo saaray amaro la xiriira xilliyada salaada jumcaha

Published on March 26, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya  iyo wasaarada arimaha diinta ayaa maanta ka soo saaray magaalada Muqdisho amaro ku aadan dhinaca Salaada oo ku wajahan ganacsatada degmooyinka ay ka taliso dowladda. Amarkan ayaa sheegaya in la xiro dhamaan goobaha ganacsga xilliyada salaada jumcaha si dadka oo dhami uga wada qeybgalaan salaada tukashadeeda isla markaana masaajidada ay u camiraan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo saxaafada uga warbixyry go’aanadan ay soo saareen ayaa sheegay in ganacsatada looga baahanyahay in xiliyada Salaada Jimcaha ay xiraan goobahooda ganacsi, isagoo sheegay in ay furan karaan marka laga baxo salaada Jimcaha goobahooda ganacsi. 

Amarkan maanta la soo saaray ayaa ka danbeeyey kulan ay maanta ku yeesheen xarunta gobolka Banaadir wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee DKMG ah, Maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Imaamyada Masaajida kuyaala Muqdisho loogana hadlay xilliyada salaadaha.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay in ciidamada ay xiri doonaan goobtii furan Maalinta Jimcaha xiliga salaada ytalaabana laga qaadi doono. 

Go’aankan maanta ka soo baxay gobolka Banaadir ayaa ah midkii ugu horeeyey ee khuseeya salaada oo ay soo saarto DKMG ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maamulka Al-shabab ee G/Banaadir oo xilliyada Salaada mideeyay.
  2. Amaro ku aadan Salaada & Xijaabka oo Maamulka G/Banaadir ee Al-shabab soo rogay.
  3. Al-Shabaab oo Amaro la xiriira Qaadka, Sigaarka iyo Salaada ka soo saaray Baardheere
  4. Maamulka Xisbul Islaam ee Baladweyne oo soo saaray Amaro
  5. Maamulka Islaamiga Afgoye oo Amaro soo saaray

Readers Comments (1)

  1. Faroo says:

    Ahahahahahaha. Walee waa yaab oo tarsan iyo farmaajo iyo guud ahaan KMG. Ma anagey indhaha sacabka noo marin raban? Waa iyagan markey ogaaden inuu waqtigodi KMG ahaa gaba gaba yahay halada qur qurxon noo bilaben. Kakaka wakana tarsana saladi kahadlaya, farmaajana hay’adihi ajanibta ee ku sugnaa xamar ku yiri maxad dalka kaheysanod ka qabatan aslanba? Oguna baqay iney dalka isaga baxan.
    Walee sidaaseynu somali ku beer laxowsanine oradoo gaada cidii idinka maan gaaban




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maamulka Al-shabab ee G/Banaadir oo xilliyada Salaada mideeyay.
  2. Amaro ku aadan Salaada & Xijaabka oo Maamulka G/Banaadir ee Al-shabab soo rogay.
  3. Al-Shabaab oo Amaro la xiriira Qaadka, Sigaarka iyo Salaada ka soo saaray Baardheere
  4. Maamulka Xisbul Islaam ee Baladweyne oo soo saaray Amaro
  5. Maamulka Islaamiga Afgoye oo Amaro soo saaray

Latest Headlines