Hey’ada culimada ee wadanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ka digtay mudaharaadyada kacdoonada ah ee ka socda dunida Carbeed iyagoo culimada ku tilmaamay kuwo fitno ah.
Bayaan ku taariikheysan 1/4/1432H ayey culimadu kaga digeen sii socoshada kacdoonada ay dhigayaan dadweynaha wadamada Carbeed kuwaasoo ay kaga soo horjeedaan xukuumadaha wadamadooda ee mudada dheer xilka iska haysta. Waxayna culimadaSucuudigu sheegeen in kacdoonadan ay keenayaan fawdo iyo isbarbar yaac inuu ka abuurmo caalamka Islaamiga ah.
Culimada waxay bayaankooda si gaar ah ugu soo qaadeen wadanka Boqortooyada Sucuudiga oo- inkastoo uu hadda xasiloon yahay looga cabsi qabo in kacdoono la mid ah kuwa ka dhacaya wadamada kale ee Carbeed ay ka bilawdaan. Waxayna ugu baaqeen shacabka wadankaasi inay qaadin wadadii ay qaadeen wadamada kale ee Carbeed.
Culimada waxay soo qaadeen ayaado Quraanka Kariimka iyo Axaadiista Rasuulka [SCW] oo ka hadlaya sida Shareecadu u diiday in dadka lagu dhex furo fawdo iyo nidaam la’aan, iyagoo sidoo kale carabaabay waajibnimada u hogaansanka iyo adeecida dadka talada haya.
Waxay culimada Sucuudigu dadka reer Sucuudi xusuusiyeen midnimo iyo isku xirnaan iyo in loo noqdo Kitaabka iyo Sunnaha taasina ay tahay tan kaliya ee xal lagu gaari karo markay mushkiladu badato. Waxayna ka digeen in dadku qaataanm aragtida leexsan “munxarifka” ee hadda ka jirta meelo ka mid ahdunida, siday hadalka u dhigeen.
Madaxda Carbeed ayey ugu baaqeen inaysan xalaaleysan dhiigga dadka iyo in had iyo jeer xasiloonida laga shaqeeyo.
Sidoo kale ayey sheegeen in talo isku darsigu uu ka mid yahay manhajka toosan ee Islaamka.
Bayaankan ayaa ku soo beegmay xilli uu sii kordhayo kacdoonada looga soo horjeedo xukuumadaha ee hareeyey badi wadamada Carbeed min Tuunis, Masar, Baxreyn, Liibya, Yemen iyo Suuriya oo shalay uu ka qarxay kacdoonku.

Related posts: