Xaflad balaaraan oo ay ku qalinjebinayeen 39 arday oo dhameysay jaamacada Bariga Afrika ayaa maanta ka dhacday xarunta jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso. [SAWIRRO]
Xaflada qalinjabinta ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuulinta Waxbarashada dawlada Puntland, culimaa’udiin, waxgaradka deegaanka Iyo maamulka Sare Jamaca Bariga Afrika Boosaso. Waxaa sidoo kale joogay goobta arday qalinjabineysay iyo waalidiintooda.
Aradayda Qalinjabinaysay oo gaarayay 93 arday ayaa ka baxday kuliyada kala ah Daraasad Islaamiyah, Maamulka iyo Maareynta iyo Cilmiga Computer-ka.
Waxaana shahaadoyinka markii ardaydaasi La Gudoonsiyay ay sheegen in ay aad Ugu Faraxasna Yihiin Maadama ay Noqdeen Dufcadii Saddexaad ee jaamacada kabaxda ayna nasiib u yeesheen inay iyagoo dalkooda jooga ay noqdaanjaamiciyiin.
Xaflada Ayaa intii ay socotay Waxaa Halkaasi Hadalo Kala duwan ka soo Jeediyay madax Ka Socota Wasarada Waxbarashada Puntland iyo Gudoonka Waxbarashada Gobolka Bari oo Intaba u Bogaadiyay Maamulka sare ee Jaamacada Bariga Afrika oo ay sheegen in Wax Badan u Qabteed ubadka Soomaaliyeed ee u baahan waxbarashada.
Sidoo kale waxaa hadalo dardaaran ka jeediyey waalidiinta qaarkood iyo ardayda waxbaratay oo qaarkood ay ka hadleen dareenkooda iyo sidey ugu soo dhabar adeygeen mudada 4 sano ah ee ay waxbaranayeen.
Dhanka kale shirkada isgaarsiinta Golis ayaa si weyn uga qeybqaadatay xaflada maanta loo sameeyey ardayda iyadoo masuuliyiin ka tirsan shirkada ay maanta joogeen xaflada.

Related posts:
masha lah wa wax aad loogu farxo dalkeena oo mudo dheer burbur ku soo jiray in rag is xilqaameen oo ardaddii somaliyeed gurigooda ugu keenayn waxbarasho tayo leh una dhiganta tan addunka dawladaha leh lagu barto
ardada qalin jabisay waxaan leeyahay kaalintiinii baa hartay ee kasoo baxa mudanayal.
Allaahu akbar this is wonderfull,and a good example to follow,insha allaahu they may cover many places to work their own country insha allaahu,
thanks
Asc. Wr. Wb.
Marka hore hambalyo dhamaan ardeyda qalin jbisay..
Al-xamdulilaah ka dib 4 sano waxbarashada ayey qeybtii hore ee Jaamacadda dhameeyeen.. Allaha ka dhigo kuwii dalkooda anfaca.. Aamin
Correction:SOmali Mirror waxaan la socodsiinayaa in tirada ardeyda aysan aheyn 39 ee ay tahay 93.. aniga ayaana ka mid ah ardeydaas..
Mahadsanidin.
akhlaaq xumaa ka muuqata iyo rag iyo dumar isu soo dhowaanaya meesha waana arin markii laga eego xaga akhlaaqda aan qurux badnayn gabdhaha dharkooda nooc yoo yoo nimo ah ayaa kamuuqata ogoowna waa jaamacad iyo ducaad waaweyn gacanta ku hayaan waxa saan ah maxaa moodaa kuwa kale??????????
asc
walalahayaga hada dhamaystay wax barasho jaamacda waanu u hanbal yeynaynaa si shafar badan ayaan uugu ahnbal yeynaynaa
iyo dhamaan maamulayashi jaamacada oo inbadan soo waday iyo macalimiintiiba
waxaanu leenahay walalayaal waxaad mudan tihiin dad lagu dayan karo waxaanu nahay anaguna Ardayda dhigata jamacada lascaanood arday ka mad ah qaybta maamulka iyo maaraynta
waxaan idin leeyahay HAIDI AAD WAX BARATEEN DALKA HAKA HIYI KICINAA EE DALKIINA JOOGA WAXNA KA BEDELA OO ISBEDEL KEENA KKK
waxaana aad muhiim u ah walaalayal dadkeena hada wax baranaya iyo kuwa dhamaystay in ay isku xidhmaan ayaanu u baahanahay hadii aanu nahayy ardayda reer laascaanood ee dhigata jaamacada nugaal univerity oo aanu aad u soo dhawaynayno in dalka isbedel ka dhaco ama aynu ka muujino walalayaal nalasoo xidhiidha fadlaan
Feysal Cumar,
Marka hore waxaan adiga iyo saaxiibbadaa idinkugu hambalyeynayaa inaad dhamaysateen wax barashadiinnii muuddada soo socotay, Ilaahay ha idinka dhigo kuwo naftooda iyo bulshada anfaca.
Midda kale waxaan idinku baraarujinayaa inaadan raacin tubtii ay raaceen waxa loogu yeero aqoonyahannada soomaalida. sida aad ogtahay intooda badan waxay u shaqaystaan si khaladan, waxayn u adeegaan dad aan tacliin lahayn. bal u fuurso mid kasta oo jaahil ah ama hoggaamiye kooxeed ah waxaa u shaqeeya kuwo shahaaddooyin sare ka sita jaamacado caan ah.
Aabbayaashiin, hooyooyinkiin iyo awooweyaashiin waad arkaysaan meesha ay dhigeen dalkii iyo dadkii, haddaba maanta waa kaalintiinnii ee is weydiiya maxaad ka beddeli kartaan xaaladda taagan??
Waxaan nasiib darro ah in aqoonyahanka puntland iyo somaliland ay bulshooyinkooda uga jiraan kaalimo aad u liita, waxaad arkaysaa ardayda jaamacaduhu marka ay “discussion” samaynayaa inay u hadlaan una fekeraan sida siyaasiyinta doqomada ah ee u badan kuwo kasoo saaqiday oo la qabsan waayeen nolosha qurbaha.
Haddaba dufacddiinaan cusub maxay soo kordhin doontaa?? ma waxaad noqon doontaan ilays bulashada usoo baxay oo loo hanqal taago maase waxaad ciriirsan doontaan meel aad ka dhabjisaan(walaaqdaan) dhiiqada iyo calawga meel masta oo waddanka ah ceegaaga , si aad ugu dambayntii ugu dhacadaan qashin qubka taatiikhda??? Suaashaas iyo kuwa kaleba jawaab idinkagama baahna oo waqtiga ayaa ka jawaabi doona!!!!
waa arin lagu farxo , ardaydaasi waa inay u dhaqaaqaan :
inay wax badbaadshaan ee aany biin
inay wax nooleeyaan ee aanay dilin
inay wax dhisaan ee aanay dumin .
waxaan uga digayaa fikirka quusta ku dhisan ee odhanaya dunidan waa la inagu gumaystaa hableheenana lagu kufsada saaas darteed wakhti aqoon la raadsho ama dacwo lagu mashquulo ama wax la dhiso lama joogee , wixii dhisan ha la dumiyo wixii gacanteenu gaadho ha la dilo , fajir fajir fajir.
aqoontu waa waxa umadaha dhisa oo ciilka iyo colkaba ka saara , dhalin yarooy wax barta oo dadkiina bara oo ilal amaam zanga zanga thawra thawra KKKKK