Kiinya oo qiratey in ciidamadeeda ay u soo talaabeen Soomaaliya

Published on March 25, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Sarkaal ka tirsan dawlada wadanka Kiinya ayaa markii ugu horeysay qirey in ciidamada waddanka Kiinya ay u soo talaabeen dhanka Soomaaliya iyagoo taageeaya ciidanka DFKMG ah ee Soomaaliya.

Sarkaalkaasi oo wareysi siiyey wakaalada wararka qaarkood ayaa yiri “waxaa jira ciidanka Kenya oo taageeraya kuwa DKMG ah ee Soomaaliya inay dagaalo kula galeen xarakada Shabaab gudaha Soomaaliya”.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in sababta ciidamada Kiinya u galeen degmooyin ku yaala Soomaaliya ay aheyd iyakoo ka baqeyn in ciidamada xarakada mujaahidiinta al Shabaab oo baacsanaya kuwa DKMG ah ay u talaabaan dhanka Kiinya sidaasi darteed ay iyagu ku caawiyeen ciidamada DKMG ah.

Jariirada Standard Newspaper ayaa sheegtay in ciidanka Kiinya ay gaareen degaanka Libooye xili uu dagaalku ka socdey degaanada Diif iyo Dhoobley.

Dawlada Kiinya ayaa hore u beenisay in ciidamadeeda ay galeen gudaha Soomaaliya balse kaliya askar katirsan DKMG ah ay tababaro ku siiso gudaha wadankeeda. Waxayna tani nqoneysaa markii ugu horeysay oo sarkaal Kiinyaan ah uu cadeeyo in askartooda ay gudaha u galeen wadanka Soomaaliya.

Usbuucii hore ayaa afhayeen u hadlay ciidamada xarakada mujaahidiinta al Shabaab Shiikh C/casiis abuu Muscab wuxuu sheegay in ciidamada Kiinya ay ka qeybqaateen dagaalkii Dhoobley iyo Diif iyagoo duqeeyey goobo ay rayid deganaayeen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Kiinya oo ka jawaabtay digniintii Al Shabaab u jeedisay
  2. Diyaaradaha Kiinya oo dulheehaabaya xuduuda Soomaaliya
  3. AlShabaab oo maanta digniin kama dambeys ah u jeedisay madaxda Kiinya
  4. Dowladda Burundi oo sheegtay in aysan Ciidamadeeda kala baxayn Soomaaliya
  5. DKMG ah oo qiratey dhaca & Dhibaateynta Dadka Rayidka ah.

Readers Comments (1)

  1. Cali Guure says:

    scw

    Haddii ay Keenya qiratay inay gudaha dhulka shabaab ka taliyaan soo gashay su;alaha u baahan in shabaabka ka jawaabaan waxay yihiin:

    1- Ma weerari doonaan NFD ama kenya?

    2- Sheekhooda ku hoos nool Kibaaki ma u fatwoon doona la dagaalanka Kenyaanka?

    Mase waa uu ka meer meeri doonaa?

    3- Xasaan ma ka soo bixi doonaa Kenya maadaama hadda weerar ku qaadeen shababka?

    4- Haddii uu Xasaan ka soo bixi waayo Kenya, fatwa dagaalna siin waayo shabaabka, shabaabka ma takfiirin doonaan Xasaan naftiisa?

    5- Meeyey shacabkii la lahaa jihaad bay galayaan oo wilaayo ayay difaacayaan?

    Maxamed haddii uu jawaab haayo saaxada waa ay u furan tahay.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Kiinya oo ka jawaabtay digniintii Al Shabaab u jeedisay
  2. Diyaaradaha Kiinya oo dulheehaabaya xuduuda Soomaaliya
  3. AlShabaab oo maanta digniin kama dambeys ah u jeedisay madaxda Kiinya
  4. Dowladda Burundi oo sheegtay in aysan Ciidamadeeda kala baxayn Soomaaliya
  5. DKMG ah oo qiratey dhaca & Dhibaateynta Dadka Rayidka ah.

Latest Headlines