Guddiga dib u heshiisiinta barlamaanka KMG oo madaxwaynaha ugu baaqay inuu sharciga ilaaliyo

Published on March 25, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Gudiga dib u heshiisinta ee barlamaanka DFKMG ah ayaa maanta u soo jeediyey madaxwaynaha Shiikh Shariif Shiikh Axmed inuu dhowro sharciga uuna ka fogaado khilaaf ka dhasha waqtiga doorashada madaxwaynaha la qabanayo kadib markii uu Shiikh Shariif shaley soo saarey war saxaafeed arinkaasi ku saabsan.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga dib u hishiisiinta ee barlamanka KMG  Max’ed Cumar Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowladda KMG in uusan khilaaf gelin waqtiga doorashada la qabanayo markuu dhamaado waqtigiisa.

Wuxuu intaa ku sii daray in in loo baahanyahay in hab sharci ah lagu xaliyo khilaafka ka dhaxeeya Madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamanka maadaama labadoodu ay isku qabsadeen arinka doorashada. 

Xildhibaanka ayaa sidoo kalee sheegay in go’aanada barlamanka loo baahanyahay in la raaco, isagoo intaasi  ku daray in waqti kordhintii barlamanka ay tahay mid la’isku raacay sharcina ah siduu yiri.

 Wuxuuna sidoo kale walaac ka muujiyey in hadii isqabqabsigu bato ay qatar ku tahay guudahaan DKMG ah oo siduu yiri u harsan tahay dhawr bilood oo kaliyah loona baahan yahay in masuuliyiinteeda ay is fahmaan hadii kale burbur uu ku iman karo dawlada oo idil.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Xildhibaanada barlamaanka DKMG oo waqtiga isu kordhiyey
  2. Xildhibaano ka tirsan barlamaanka DFKMG oo ku baaqay in la burburiyo hishiisyada lala galay shirkadaha ajnabiga
  3. Shariif Xasan “Madaxwaynaha xaq uma leh inuu nagu soo celiyo go’aan aan gaarney”
  4. Shiikh Shariif oo kulan irdaha u xirnaayeen la qaatay madaxwaynaha Yugaandha
  5. Madaxwaynaha DKMG oo war saxaafadeed maanta ka soo saaray doorashada madaxtooyada [AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA]

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xildhibaanada barlamaanka DKMG oo waqtiga isu kordhiyey
  2. Xildhibaano ka tirsan barlamaanka DFKMG oo ku baaqay in la burburiyo hishiisyada lala galay shirkadaha ajnabiga
  3. Shariif Xasan “Madaxwaynaha xaq uma leh inuu nagu soo celiyo go’aan aan gaarney”
  4. Shiikh Shariif oo kulan irdaha u xirnaayeen la qaatay madaxwaynaha Yugaandha
  5. Madaxwaynaha DKMG oo war saxaafadeed maanta ka soo saaray doorashada madaxtooyada [AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA]

Latest Headlines