Dugsiyo Quraan ku yaaley degmada Caabudwaaq oo la xirey

Published on March 25, 2011 by   ·   2 Comments   ·   print

Wararka laga helayo degmada Caabudwaaq ee gobalka Galguduud ayaa sheegay in la xiray illaa dhowr dugsi Quraan oo ay wax ku baran jireen caruurta deegaankaasi.

Talaabadaasi ayaa waxaa ku kacay Maamulka ururka la baxay Ehlu suna oo ka taliya degmada Caabud-waaq, waxaana  maalintii shalay albaabda la isugu dhuftey illaa 7 goobood oo dugsi Quraan ahaa  kuwaasi oo ay arday farabadan wax ka baranayeen.

Saraakiisha ururka Ehlu suna ayaa sheegay in sababta ay u xireen dugsiyada ay tahay in waxyaabo ka dhan ah ah diinta lagu baranayay halkaasi iyagoo sidoo kale sheegay in caruurtu lagu buraarujin jirey inay al Shabaab ku biiraan sidey sheegeen.

Talaabadaasi ayaa sababtay in arday dugsiyadaasi Quraanka ah lagu bari jiray ay maanta iska joogaan guryahoodakadib markii la xirey goobihii ay waxbarashada u tegi jireen.

Waxayna waalidiinta degmada Caabudwaaq sheegeen inay fariimo gaarsiiyeen saraakiisha maamulka degaankaasi ayna ka codsadeen in la furo dugsiyada Quraanka ee la xirey.

Hase yeeshee madaxa Waxbarasha Maamulka degmada Caabudwaa Shiikh Xasan oo maantaka hadlay arinkan ayaa sheegay inay xireen Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Shabaab oo ku yaaley degmada siduu hadalka u dhigay, wuxuuna inta ku darayinay ku raad joogaan goobo kale oo iyaguna ay xiri doonaan.

Dhowr bilood ka hor ayaa maamulka degmada Caabudwaa ee Ehlu suna ayaa la wareegay masaajido ku yaaley gudaha degmada kadib markii culimdiijoogtey ay ku eedeeyeen inay wataan afkaar u adeegeysa xarakada Shabaab sidey dheheen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Idaacada Caabudwaaq oo la xidhay
  2. Weerar lagu qaaday dugsi Quraan ku yaalla Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo
  3. Kooxda Qabsatay Caabudwaaq ” Soomoow ma aha Afayeenka Ehlu Sunnaha Wal-Jameeca”.
  4. Maamulka Degmada Shibis ee M. Muqdisho oo sheegay in ay dib u qabsadeen goobo ka mid ah Degmada
  5. Maamulka Al shabaab ee Degmada Bu’aale oo Mamnuucay Daawashada Ciyaaraha Koobka Aduunka

Readers Comments (2)

  1. Guudcad says:

    waa sideey rabeen gaaladu iyo adeegayaashooda suufiyada ah miyaysan la gudboonayn ictisaamku inay faylka soo galaan oo shabaabka guuleysayye u tanaasulaan wax badan bey hogaamin jireen wahaabiyada marakanna mujaahidiinta qoriga qaatay baa cad cad .

  2. sheekha says:

    suufiyada iyo waxa ay dabada ku wataan waa laga filayaa waxaas iyo wax ka daran oo layaab maleh , suaashuse waxay tahay tolow yaa maanta ka masuul ah dacwadii tobanaanka sano lagusoo tab cayay oo maanta :

    suufi hubaysani malcaamadihii ka xidhayo

    culimadii salafiyada oo loo biyaystay in dharka laga dhigo iyadoo wax badiila aan la hayn , wiil qori sita mooyee

    suufiyadii oo madaxa la soo kacday , gaalona ka faaiidaysanayso oo meel kasta gudo iyo dibadba boodhka laga jafayo

    aafaadkaas iyo kuwo kaloo ka badan oo dacwadan loo gaystay tolow yaa xilkeeda qaadi doona !!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Idaacada Caabudwaaq oo la xidhay
  2. Weerar lagu qaaday dugsi Quraan ku yaalla Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo
  3. Kooxda Qabsatay Caabudwaaq ” Soomoow ma aha Afayeenka Ehlu Sunnaha Wal-Jameeca”.
  4. Maamulka Degmada Shibis ee M. Muqdisho oo sheegay in ay dib u qabsadeen goobo ka mid ah Degmada
  5. Maamulka Al shabaab ee Degmada Bu’aale oo Mamnuucay Daawashada Ciyaaraha Koobka Aduunka

Latest Headlines