Dagaalo kooban ayaa saaka waaberigii ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoo waaberigii dadku ku soo tooseen hubka culus oo la isweydaarsanayo.
Dagaalkan oo u dhexeeyo ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xoogaga mujaahidiinta alshabaab ayaa saaka waabarigii ka dhacay nawaaxiga wadada wershadaha iyo warshada Caanaha ee degmada Hodan, halkaas oo ka mid ah goobaha ay sida badan dagaalada xoogan ka dhacaan.
Dagaalkii saaka oo ahaa mid la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa daba socday dagaalo goos goos ahaa oo xalay qeybo ka mid ah degmada Hodan ka dhacay xilliyadii fiidkii hore.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalada saaka ay ka dhasheen qasaare dhaawacyo dad rayid ah, kuwaasoo la xaqiijiyay in la dhigay goobaha caafimaadka, waxaana saraakiisha Gaadiidka Gurmadka deg dega ku warameen in la geeyay goobaha caafimaadka dhaawacyada ilaa saddex ruux.
Inkastoo maanta ay tahay maalin jimce ah oo dadku ka nastaan shaqooyinka ayaa waxaan gelinka danbe degan guud ahaan magaalada oo an wax rasaas ah laga maqleynin.

Related posts: