Waxaa laga deyrinayaa xaalada qoyska u dhashay wadanka Denmark kuwaasoo muddo todobaadyo ka hor ay qafaasheen Kooxaha budhcad badeedka ayna la galeen deegaano ku yaala Bariga wadanka Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan wararka qoyskan oo ka kooban todobo ruux ayaa lagu hayaa Markab yaala agagaarka degmada Baargaal ee gobalka Bari, halkaas oo la geeyay markii uu fashilmay isku day Ciidamada Puntland tobankii bishan ku doonayeen inay xoog kaga soo furtaan raga budhcad badeeda ee afduubka u haysta.
nin weriye ah oo booqday qoyskaasi ay heystaan budhcad badeeda ayaa soo sheegay in xaaladoodu ay tahay mid kacsan isla markaana odeygii reerka uu xanuunsan yahay kadib markii ay ku hanjabeen budhcadu inay dilayaan hadii la soo weeraro.
Qoyskan ayaa waxaa ku jira caruur da’dooda u dhaxeysa 12-17 sano jir, iyadoo xaaladooda xilligan u muuqato mid adkaatay, kadib markii dhanka Bariga lagala tallaabay budhcaduna ay la galeen buuraley.
Kulan dhowaan ay yeesheen Odayaasha deegaanka Baargaal ayaa waxay baaq ugu jeediyeen ragga heysta qoyskaas ee burcad badeedka, hase ahaatee budhacada yaa hada dalbatay lacag gaareysa shan milyan oo doolar hadii kale aysan siideyn doonin.
Ilaa hada masuuliyiinta maamulka Puntland kama hadlin arinkaan iyo lacagaha badan ee ay dalabeen kooxda budhcad badeeda ah ee afduubka u haysta ajaaniibta.

Related posts: