Wiil Soomaali ah oo xabsi daa’in lagu xukumay Wadanka Ingiriiska

Published on March 24, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Wiil Soomaali ah oo ku noolaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa maxkamad ku taalla London waxay ku xukuntay xarig xabsi daa’in ah kadib markii lagu eedeeyey dilka wiil kale oo Soomaali ah.

wiilkan xabsi daa’inka lagu xukumay ayaa lagu magcaabaa Axmed Faarax, waxaana la sheegay inuu hore dil ugu geystey wiil kale oo Soomaali ah oo la dhihi jirey Maahir Cismaan.

Maxkamada oo sheegtey in kiiskan mudo ay baareysay ay ku heshey in Axmed Faarax oo ah ninka xabsi daa’inka lagu xukumay uu geystey dilka wiilka kale kaasoo ahaa arday baran jiray gawaarida.

Wiilka la xukumay ayaa la soo xirey 20-kii July ee sanadkii 2010-ka, xilligaasi oo ahayd markii laga qabtay Heathrow Airport isaga oo doonayey inuu wadanka lka baxsado oo uu aado wadanka Canada.

Maxkamada ayaa sidoo kale cadeysay inay jiran dad kale oo Soomaali ah oo weli la baarayo kuwaasoo loo soo xirxirey dilka wiilkaasi lagu magacaabi jirey Maahir Cismaan.

Labada wiil ee Soomaalida ah ayaa sida la sheegay ahaa dad is yaqaana oo meel isugu iman jiray, balse waxaan la ogeyn sababta dilkaa keentey iyo khilaafka dhexmarey waxa uu yahay illaa hadda.

Dhalinyaro fara badan oo Soomaali ah ayaa markeydibada tagaan ku biira kooxo budhcad ah halka qaarkoodna ay la kulmaan dhibaatooyin iyaga loo geysto waxaana waalidiin badan oo Soomaali ah ay bilaabeen inay carruurtoodakala cararaan Yurub iyo Mareykan oo markii hore ay dan moodeen balse ay u caddaatay inaysan u fiicneyn carruurtooda yaryar iyo dhalinyarada intuba.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Labo wiil oo Soomaali ah oo lagu xidhay wadanka Sweden
  2. Wiil Soomaali ah oo u xiran booliiska wadanka Kuwayt
  3. Xabsi daa’im lagu Xukumay Ninkii Dilay Gabadhii “Shahiidatul Xijaab”
  4. Dad lagu soo qabqabtay Maandooriye oo lagu xukumay magaalada Jowhar
  5. Maxkamad ku taala Yaman oo xukun xabsi dheer ku riday 13 nin oo Soomaali ah

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Labo wiil oo Soomaali ah oo lagu xidhay wadanka Sweden
  2. Wiil Soomaali ah oo u xiran booliiska wadanka Kuwayt
  3. Xabsi daa’im lagu Xukumay Ninkii Dilay Gabadhii “Shahiidatul Xijaab”
  4. Dad lagu soo qabqabtay Maandooriye oo lagu xukumay magaalada Jowhar
  5. Maxkamad ku taala Yaman oo xukun xabsi dheer ku riday 13 nin oo Soomaali ah

Latest Headlines