Gudoomiyaha barlamaanka DFKMG oo maanta Muqdisho soo gaarey

Published on March 24, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarey gudoomiyaha barlamaanka dawlada federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadam iyo xildhibaano ka tirsan barlamaanka kuwaasoo waayadan danbe ku sugnaa wadanka Kiinya.

 

Shariif Xasan iyo xildhibaanada ayaa hal diyaarad ku wada yimid garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, iyagoo markii ay soo degeena uu Shariif Xasan hadal u jeediyey wariyaasha.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuu safaro ku soo marey wadamo dhowr oo ay ka mid yihiin Kiinya, Jabuuti iyo Ghana halkaasna uu shirar kula soo yeeshey masuuliyiin kala duwan wuxuuna sheegay inay isku soo afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhamaan xogta safarkiisa uu u gudbin doono barlamaanka dhowaan uuna u sharixi doono waxyaabihii u soo qabsoomay.

Dhanka kale wuxuu Shariif Xasan sheegay in barlamaanka looga baahan yahay inuu isu yimaado maalmaha soo socda si kulamadii barlamaanka loo bilaabo isla markaana howlo fara badan ay u yaaleen siduu sheegay.

Xildhibaano kale oo hada ku sugan magaalada Neyroobi ayaa lagu wadaa in iyaguna illa berito ay soo gaaraan magaalada Muqdisho oo la filayo inuu ka bilowdo kulanka barlamaanka iyadoo dhanka kale uu sii xoogeysanayo khilaafka Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan ka dhex oogan eek u aadan waqti kordhiska barlamaanka iyo waqtiga doorashada oo la isku diidan yahay.

Waxaana maalmaha soo socda aad loo hadalhayaa in shirar siyaasadeed ay ka bilaaban doonaan Muqdisho.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Barlamaanka DFKMG oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho
  2. Barlamaanka DFKMG oo maanta su’aalo weydiiyey xubnaha hay’adaha amaanka
  3. Barlamaanka DFKMG oo maanta kulmaya
  4. Kulamada barlamaanka DFKMG oo qabsoomi la’ Kooram la’aan darteed
  5. Xildhibaanada barlamaanka DKMG oo waqtiga isu kordhiyey

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Barlamaanka DFKMG oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho
  2. Barlamaanka DFKMG oo maanta su’aalo weydiiyey xubnaha hay’adaha amaanka
  3. Barlamaanka DFKMG oo maanta kulmaya
  4. Kulamada barlamaanka DFKMG oo qabsoomi la’ Kooram la’aan darteed
  5. Xildhibaanada barlamaanka DKMG oo waqtiga isu kordhiyey

Latest Headlines