Dadaalo wadooyinka loogu furayo suuqa Bakaaraha oo socda

Published on March 24, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Kulan looga hadlayey sidii wadooyin loogu furi lahaa suuqa Bakaaraha o ah isha ganacsi ee ugu weyn dalka xiligan ayaa shaley odayaasha reer Muqdisho waxay la qaateen xubno ka tirsan DKMG ah iyo ciidanka Amisom eek u sugan Muqdisho.

Odayasha dhaqanka ayaa kulankan ugu tegey saraakiisha Amisom iyo xubno ka tirsan DKMG ah iyagoo ka wada Hadley sida wadooyin amaan ah loogu heli karo suuqa Bakaaraha oo hada mudo bil ka badan ku xiramey dagaaladii ka dhacay jidka Wershedaha.

Waxaana dhamaadkii kulankan odayaashu ay sheegeen in la isku afgartay in wdooyin baabuurta iyo dadkuba marin karaa loo furo Suuqa Wayn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Odayaasha kulanka ka qeybgaley oo gebagabadii la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uusan jirin waqti cayiman oo lagu balamay in la furo  wadooyinkasi balse muhimadu tahay in la isla fahmey furitaanka jidadka xiran.

Dhanka kale odayaasgu waxay sheegeen sdey uga walaaceen duqeymaha loo geysto suuqa oo had iyo jeer sababa in dad rayid ah y ku waxyeeloobaan tasoo ay qireen saraakiisha DKMG ah iyo kuwa Amisom balse dhinacooda ay ku doodeen in gobo suqa dhexdiisa ah wax looga soo tuuro.

Arintan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo beryahan la hadal hayeyxirnaansha suuqa weyn ee Bakaaro kaasoo ahaa isha ugu weyn ee ganacsiga dalka guud ahaantiisa.
 
WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Guddiga Ganacsatada suuqa Bakaaraha oo codsaday markale in suuqa wadooyinka loo furo
  2. Dr, C/raxmaan Xabeeb oo maanta sheegay in goobo gargaarka degdega ka furayo suuqa Bakaaraha
  3. Ganacsatada suuqa Bakaaro oo codsaday in wadooyinka loo furo suuqa
  4. Madfac ku soo dhacey suuqa Bakaaraha oo khasaare geystay
  5. Suuqa weyn ee Bakaaraha oo saaka laga dareemayo xoogaa xasilooni ah

Readers Comments (1)

  1. ahmed deeq salad says:

    duqaynta ka jirta muqdisho waxa ka damgeeya reer galbedka

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Guddiga Ganacsatada suuqa Bakaaraha oo codsaday markale in suuqa wadooyinka loo furo
  2. Dr, C/raxmaan Xabeeb oo maanta sheegay in goobo gargaarka degdega ka furayo suuqa Bakaaraha
  3. Ganacsatada suuqa Bakaaro oo codsaday in wadooyinka loo furo suuqa
  4. Madfac ku soo dhacey suuqa Bakaaraha oo khasaare geystay
  5. Suuqa weyn ee Bakaaraha oo saaka laga dareemayo xoogaa xasilooni ah

Latest Headlines