Maxkamada degmada Jowhar ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa xukuno ku riday rag dhowaan lagu soo qabqabtey iyagoo isticmaalaya waxyaabo maanka dooriya kuwaasoo lagu soo qabtey howlgalo ciidamada xarakada mujaahidiinta al Shabaab ka sameeyeen gudaha degmadaasi.
Qaadiga Maxkamada Shiikh abuu Yuusuf ayaa sheegay in ragga la soo qabtay ay ku jireen labo ruux oo Guri ku cunayay Qaadka, kaasoo laga mamnuucay dhowaan in gudaha Magaalada Jowhar lagu cuno.
Qaadiga ayaa sheegay in ragga la soo qabtay in ay ku xukumeen min Afartan Maalmood oo xabsi ah, kadib markii uu sheegay inay jebiyeen sharci horey looga soo saarey mukhaadaraadka kaasoo maamulku uu shaaciyey waqti hore.
Maamulka gobalka ayaa horey amar ugu gooyey in qaadka aan lagu iibin karin gudaha magaalada isla markaana aan lagu cuni karin, dadka iibiya iyo kuwa cuna ay banaanka magaalada ku isticmaalaan.
Sidoo kale waxay maxkamadu xukun xarig xukuntey nin kale oo la sheegay in horay Maxkamada ugu soo qabatay mukhaadaraad horayna loogu xukumay ilaa 39-garbaash, balse mar kale falkii lagu soo qabtay uu dib ugu laabtay, hase ahaatee markan lagu xukumay labo bilood oo xarig ah, si uu ugu waano-qaato.
Xukunadan ayaa horey kuwo la mid ah looga fuliyey gudaha degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha dhexe.

Related posts: