Wakiilka QM oo booqasho qarsoodi ah ku tegey Hargeysa

Published on March 23, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Agoustine Mahiga ayaa maanta booqasho aan horay loo sii shaacin  wuxuu ku tagay Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland, iyadoo socdaalkiisa ku wehliyaan xubno ka tirsan Qaramada Midoobey.

Mahiga ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland oo uu ugu horeeyay Wasiirka Arrimaha Dibada.

Sida ay sheegayaan wararka wuxuu Mahiga joogi doonaa Hargeysa muddo labo cisho ah, iyadoo lagu wado inuu kulamo la qaato Madaxda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho siday wararku nagu soo gaarayaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in waxyaabaha laga hadli doono ay ku jirto arinta gobolka Sool oo dagaalo ay dhowaan ka dheceen.

Booqashadan ayaa ah tii labaad oo uu Agoustine Mahiga ku tago Magaalada Hargeysa mudo bilooyin ah waxayna ku soo beegantay xili uu Mahiga dhowaan sidan oo kale si qarsoodi labo maalin u joogay magaalada Muqdisho.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Wakiilka AU-da u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo Booqasho ku yimid Hargeysa.
  2. Mahiga oo booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho [SAWIRO]
  3. Ergeyga QM ee Soomaaliya oo Booqasho ku Tagay Garowe iyo Hargaysa
  4. Saraakiil ka tirsan Mileteriga Maraykanka oo booqasho ku yimi Hargeysa.
  5. Saraakiil ka Socota Sirdoonka Jarmalka oo Qarsoodi ku Yimi Somaliland

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wakiilka AU-da u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo Booqasho ku yimid Hargeysa.
  2. Mahiga oo booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho [SAWIRO]
  3. Ergeyga QM ee Soomaaliya oo Booqasho ku Tagay Garowe iyo Hargaysa
  4. Saraakiil ka tirsan Mileteriga Maraykanka oo booqasho ku yimi Hargeysa.
  5. Saraakiil ka Socota Sirdoonka Jarmalka oo Qarsoodi ku Yimi Somaliland

Latest Headlines