Wadaad ka mid ah mufakiriinta Islaamka ayaa daahfuray tirooyinka isleeg ee Aayadaha Quraanka Kariimka ahi ka hadleen, taasoo caddaynaysa sida Quraanku u sugayo sinnaanta dadka iyo sugnaanta in Quraanku yahay hadalkii Eebbe korree oo nasahnaaye, wuxuuna Sheekhu uu soo taxay kalmado iska soo horjeeda oo tirooyinkoodu isku sarjaran yihiin, waxaana ka mid ah:-
Tirooyinka Isle’ eg:
1- Erayga Dumar Quraanka wuxuu ku soo arooray 24 jeer, halka erayga Ragna uu soo arooray 24 jeer.
2- Erayga Adduun Quraanka wuxuu ku soo arooray 115 jeer, halka erayga Aakhirona uu soo arooray 115 jeer.
3- Erayga Malaa’ig Quraanka wuxuu ku soo arooray 88 jeer, halka erayga Shaydaana uu soo arooray 88 jeer.
4- Erayga Dad Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Nabina uu soo arooray 50 jeer.
5- Erayga Wanaajin Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Xumayna uu soo arooray 50 jeer.
5- Erayga Ibliis Quraanka wuxuu ku soo arooray 11 jeer,halka erayga ka magangalkiisuna uu soo arooray 11 jeer.
6- Erayga Muslimiin Quraanka wuxuu ku soo arooray 41 jeer, halka erayga Jihaadna uu soo arooray 41 jeer.
7- Erayga Sako Quraanka wuxuu ku soo arooray 88 jeer, halka erayga Barakana uu soo arooray 88 jeer.
9-Erayga Muxamed Quraanka wuxuu ku soo arooray 4 jeer, halka erayga Shareecona uu soo arooray 4 jeer.
10- Erayga Nolol Quraanka wuxuu ku soo arooray 145 jeer, halka erayga Dhimashana uu soo arooray 145 jeer.
11- Erayga Wanaagyaal Quraanka wuxuu ku soo arooray 167 jeer, halka erayga Xumaanyaalana uu soo arooray 167 jeer.
12-Erayga Fudayd Quraanka wuxuu ku soo arooray 36 jeer, halka erayga Adaygna uu soo arooray 12 jeer.
F.G. Xadiis ayaa jiray uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:- ”Ka libaysan maayo adayg laba fudayd……..U fiirso walaalkayow inaannu Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye aannu waxaan xaq ahayn ka hadlin. Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-Kamana hadlo hawadiisa (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye). Suuradda Annajmi Aayadda 3aad.
13- Erayga Hanuun Quraanka wuxuu ku soo arooray 79 jeer, halka erayga Naxariisna uu soo arooray 79 jeer.
14- Erayga Nabadgalyo Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Waxyaalo fiican uu soo arooray 50 jeer.
15-Erayga Dhib Quraanka wuxuu ku soo arooray 102 jeer,halka erayga Dhabar-adaygna uu soo arooray 102 jeer.
16-Erayga Musiibo Quraanka wuxuu ku soo arooray 75 jeer, halka erayga Mahadnaqna uu soo arooray 75 jeer.
17- Erayga Nafci (Dheef) Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Dhibna uu soo arooray 50 jeer.
18- Erayga Sadaqo Quraanka wuxuu ku soo arooray 73 jeer, halka erayga Qanaacana uu soo arooray 73 jeer.
19- Erayga Kuwa Lunsan Quraanka wuxuu ku soo arooray 17 jeer, halka erayga Kuwa Halaagsamayna uu soo arooray 17 jeer.
20-Erayga Dahab Quraanka wuxuu ku soo arooray 8 jeer, halka erayga Nolol Raaxeedna uu soo arooray 8 jeer.
21-Erayga Sixir Quraanka wuxuu ku soo arooray 60 jeer, halka erayga Fitnana uu soo arooray 60 jeer.
22-Erayga Caqli Quraanka wuxuu ku soo arooray 49 jeer, halka erayga Iftiinna uu soo arooray 49 jeer.
23-Erayga Doonis Quraanka wuxuu ku soo arooray 8 jeer, halka erayga Cabsina uu soo arooray 8 jeer.
24-Erayga Dulmi Quraanka wuxuu ku soo arooray 114 jeer, halka erayga Sabirna uu soo arooray 114 jeer.
Haddaba akhristow haddaan intaa ku dhaafno tirooyinkii isku sar jarnaa bal mucjisadanna u fiirso:-
1- Erayga Salaaddu 5 jeer ayuu Quraanku xusay, Salaadaha waajibka ahina waa 5 Salaadood.
2- Erayga Bilo 12 jeer ayuu Quraanku xusay, Sanaddkuna waa 12 Billood.
3- Erayga Maalin 365 jeer ayuu Quraanku xusay, sanadkiina waa 365 maalmood.
4- Erayga Bad Quraanku wuxuu xusay 32 jeer, halka erayga Berrina uu Quraanku xusay 13 jeer.
Haddaba haddii la xisaabiyo saamiga ay Badda iyo berrigu isku yihiin marka guud ahaan la soo qaato dhulka, waxay isku noqonayaan boqolkiiba sidatan:-
B-Saamiga Badda marka loo eego Berriga dhulka = [(13+32)/32] x 100= 71. 11111111111%
T- Saamiga Berrigu marka loo eego Badda dhulka = [(13+32)/13] x 100= 28.88888888888%
J- Saamiga Berriga + Saamiga Badda = 100 %.
Tiradaasina waa tirada dhabta ah ee inta dhulkeenna biyo fadhiyaan iyo inta berriga ah, cilmiga cusubina uu xaqiijiyay.
Eebbe korreeye wuxuu yidhi:- “Waxaannu ka tusin Aayaadkayaga jihooyinka iyo naftooda ilaa ay uga caddaato inuu Quraanku xaq yahay, miyaanu ku fillayn Eebbe inuu wax kasta ogyahay”. Suuradda Ash-Shuuraa Aayadda 53aad.
-
WA SHUKRAN
Waxaa Soo diyaariyay:- Sheikh Abdul Rashid Sheikh Ali Sufi

Related posts:
Ku: Somalimirror.
Ikhwah aayadda ugu dambeeyso ee qoraalkiina maahan suuratu shuuraa ee waa suuratu Fusilat, sidaas ula socda.
a,s,c walaalo marka hore arinta aad soo bandhigteen waxa daah furay mr.khalifa oo ahaa gaal misri ah oo beeniyay aayaat kamid ah quraanka karimka tankale quraanka allah uma so dajin in la xisaabsho ama saamigiisa la eego mida kale sanadka diinteenu ku qoran waa sanadka hijriga maalmihiisuna wa ka yaryihin tirada ad shegteen oo wa 354 ilaa 355 malmod marka ikhwani halaga feejignaado arimahaas wa iga naseexo halaga feejignado dhagarta gaalada allah nagu sugo caqiidada saxda ah wabilaahi tawfiiq
sxb ka faa iidayso waa aqoon kaa dhimanayde
asw
wax badan ayaanaan ka ogayn quraanka intaani waa waxa ugu yar ee shiikhu ogaaday
(ilaahayna waxa uu yiri(alla ka cabsada waxbuu alle idin barayaaye)
Asalaamucalaykum
walaalayaal anigu uma malaynayo inuu sh.cabdirashiid soo qoray warkaan ilama ahan inuu soo qoray sababtoo ah hadda kahor ayaan nin iila yimid warkaan iyo mid lamid ah oo uu kusheegayo mucjisada quraanka quraanka alle inuu sidiisaba mucjiso yahayna la iskuma hayo midda kale waxyaabo baddan oo khaldan oo aad leedihiin waa is le’eg yihiin ayaan isl’ekayne iska hubiya. sida salaada quraanku wuxuu sheegay 5jeer!!!! aniga kaliya ayaaba xusuusta 10 ayaad kabadan oo salaada ah ama magaca salaada ah seebaa quraanka shan salaad oo kaliya ugu jirtaa maad alle kayaabtaan.
insha shiikh ali suufi ma quraankiibuu iloobay mase beenbaad kasheegaysaan xataa aayadda udanbaysa suuradda aad leedihiin way kujirtaa kuma jirto.
asc wr wb bahda somalimiror iyo aqristayasha qiimaha leh waxan idiin sheegaya magacan umu anas anigoo qura ayaa halkan figrad uga dhiiban jirey aniga ma ahi hadabo ogaada, mana qabo figrada ey qabto walaashey magaca iga bililiqeysatey sheekhena xafidullaaaaaaaaaaaaaaaah sh cabdirashiid sh cali suufi maasha allaah meel uu ka hadley aniga far inaan ku taago maba mudno mana u dhowaan karo mana ahi dadka taagersan shabab IWM, gabadhu waxey tiri umu bililiqo gaal baa waxan qorey waxey ka soo xigatey webka somalimidnimo kkkkkk waa dhaqanka dadka culumada afka la galo subxaanallaah xisho hooyo , hooyoyinku wey xishoon jirene ,xataa hadduu ninka gaalku uu baaritan u sameeyo waa la qaadana waayo baaritan sax ah haddu yahey oo xaq ah waa ok gaalo badan baaba ku soo islaamtey baaritaanka ogaadeyna in islaamku xaq yahey.
a,s,c ukhti umu anas horta anas kaliga ma adan dhalin marka xigta aniga sheekh ma an caayin waxna kama shegin waana aderkey hadad shakisantahay lakin waxan diidanahay taqliidka indho la aanta ah ee mashaa iikhda la iska daba galo shiikhu waa ibnu aadam wuu qaladami karaa marka walaal diintaada waala barta ee cidlooma dabagalo sheekhu kheyr alaha siyo lkn ogow wa bashar oo qalad kama dhama wadna iigaftay qofta waa lo nasexeya hadad wax katabaneyso lkn af lagaado diinta ma qabto? ? lkn waxan ku weydiinaya adiga ma aaminsantahay in diinteenu sheegtay sanad 365malmod ah?kkk wa ino is arag kale?
quraanka oo la tiriyo kalimaadkiisa iyo xuruuftiisa waa cilmi qadiim ah , mufasiriinta qaarkoodna sida tafsiirul khaazin oo kale waxay suurad kasta muqadimadeeda ku sheegaan inta aayadood kalmadood iyo xaraf ee suuraddani ka kooban tahay , ujeedka ay culimadu ka leeyihiina waa fara badan yahay waa cilmi cilaaqo la leh cilmul balaaqah gaar ahaan badiica.
qolada quraaniyiintu arinka ay ku dul wareegaan ee namber19 ah waa khuraafo , wax xidhiidha oo ka dhexeeyaa ma jiro maqaalkan sh .cabdiashiid iyo quraaniyiinta.
waxaan ku khatimayaa wax kasta in laga hadlaa waa dhib , nin quraankuba ku adag yahay baa sheykhul qurraa tacliiqinaya , xujadiisuna waa sheekhu waa bashar oo waa khaldami araa!!!
dhakhtarku hadu khaldamo dhakhtar baa saxaya ingneerku haduu khaldamo sidoo kale . diintu ma fowdaa !! soomaalidu indha adayga jahligu sababta u yahay iyo xadaaro xumadu ha joojiso , gaar ahaan qolyaha aamin san ” indha adaygu wa sad “
Asalaamu calaykum dhamaan walaalaha muslimiinta ah
intaas ka dib ikhwaani tirooyinkan aad meesha ku soo qorteen ugu yaraan
Laba ka mid ah oo ikhwada iga horaysay ay baraarujiyeen ayaa qaldan waaana ereyga salaad oo aad sheegteen in uu Shan goor qu’aanka ku soo arooray taasina waa been iyo qalad cad waayo salaada iyadoo zakada ka horaysa 83 jeer ayey quraanka kusoo aroortay markaa dib isugu noqda oo ka fiirsada waxyaalaha aad qoraysaa bal u fiirso waa iyadoo zakada ka horaysa AMA ka dambaysa meelaha keliged lagu sheegayna 5 way ka badanyihiin .
Qaladka 2aad waa tan tirada maalmaha sanadka waayo saynu la socono bilaha islaamku tirsado waxay ku dhamaadaan 30 AMA 29 markaa hadii 30 la xisaabiyo waa 360 wayna ka yaraan karaan.
Tan kale shiikha ha u tiirinina waxan aad qorteen wasalaamu calaykum