ومن اهتدى بك فلن يضل،
ومن استكثر بك فلن يقل،
ومن استقوى بك فلن يضعف،
ومن استغنى بك فلن يفتقر،
ومن استنصر بك فلن يخذل،
ومن استعان بك فلن يغلب،
ومن توكل عليك فلن يخيب،
ومن جعلك ملاذه فلن يضيع،
ومن اعتصم بك فقد هدى إلى صراط مستقيم،
اللهم فكن لنا وليا ونصيرا، وكن لنا معينا ومجيرا، إنك كنت بنا بصيرا
Walaalayaal Sida aad lawada socotaan,waxaa in muda ah ku xirnaa wadankan maraykanka Imaamkii Masaajidka al-ansaar ee magaalada Sandiego,Ca.Sh maxamed khaddar iyo walaalo kale oo kula wehliyay xariga,walalayaal sheekha iyo walaalaha kaliba,waxaa lagu soo wada eedeeyay haldanbi oo isku nooc ah,walina laguma cadaynin walaalaha danbigaas lagu soo eedeeyay,iyaguna,way iska fogeeyeen eedahaas lagu eedeeyay,waxaa isugu kaana danbaysay warbixintii aan idinka siiyay maxkamadii lakeenay bishii January 20dii.
HADA IYO XAALADA SHEEKHA IYO WALALAHA KALABA.
Taariikhdu markay ahayd 21kii bishan February 2011,ayaan ku gaarnay safar gaaban oo aanu ku soo booqanayno xaalada guud ee magalada sandeigo ee culimada laga xiray,gaar ahaan masaajidka al-ansaar ee uu iimaamka ka ahaa sheikh maxamed khaddar iyo walibo booqasho aanu ugu tagnay,xaasaskii culimada laxiray. Waxaa safarka igu wehliyay aniga oo ah C/llahi Abul-fadli,Imamka Masajidka Abu-bakar ee magalada seattle,Wa, Sh Axmed Nuur ,Mamulaha Masajidka Al-raxma ee Magalada Phoenix,AZ,Sh Axmed iyo lataliyaha xaga sharciyada majliska Sh Xasan Abukar.iyo qaar ka mid ah culimadii masajidka al-ansar.
Xaalada guud ee dacwada sandeigo ilaahay fadligii aad ayay u wanaagsanayd,waxaana la urankaraa amaba ay tahay ianaysan niyad jab ku keenin culimada iyo dad waynaha reer sandeigo xariga culimadaas,dacwadiina aysan daciifin,culimadiina waxay buuxsheen dhamaan hawlihii uu hayay imaamka,wallow ay dadku tabayaan in culimadoodii ay xiranyihiin,hadana dacwadu way socotaa.
Maamulka Masaajidka al-ansaar iyo culimadiisaba,waxay aad ugu mashquulsanyihiin iyagoo kaa shanaayo dadwaynaha ku dhaqan gobalkaas calaforniya inaysan marnaba ka gaabinin,difaaca culimada laga xirxiray,iyagoo kaa shanaayo walaalohooda kale eek u nool dhamaan gobalada maraykanka,oo uu hormuudkana ka yahay golaha isutaga masajida ee w/maraykanka.
Xaalada guud ee xaasaska culimadu aad ayay u wanaagsanayd xag caafimaad iyo xaga muraalkaba,waxaana u dar-daaranay inay sabarka ku dadaalaan ducadana aysan ka caajisin.
Waxaana u sheegnay in dhamaan jaaliyadu ay u taagantahay difaaca culimada in-sha allaah.
Nooma suuro galin inaan xabsiga ku soo booqano culimada laakiin,waxaanu ku lahadalnay tellefonka
Gaar ahaan sh Maxamed khaddar,Caafimaadka sheekhu aad ayuu u wanaagsanyahay,waxaana u dardaaranay inuu sabarka ku dadaalo,hawshana aan laga jeefin ee dadaalku uu socdo.Sidoo kale walaalaha kale iyaguna way caafimaad qabaan,waxaana soo booqdo dhamaantood oo loo ogolyahay inay soo arkaan Xaasaskooda iyo caruurtaba,maalmo go’an.
Sheekha iyo Walaalaha kalaba waxaa maxkamad lakeenidoonaa insha-allaah bisha April ee sanadkan,
Waxaana rajaynaynaa in qareenada u doodayo culimada ay kaga atkaan doonaan doodaha kuwa soo eedeeyay culimada in-sha allaah.
FADLAN U SOODUCEEYA CULIMADA ,,, WAA MUHIIM DUCADIINA.
WALAALKIIN C/LLAHI ABUL-FADLI
GOLAHA IMAMYADA EE W/MARAYKANKA.
MINNEAPOLIS/MN. 02/27/2011

Related posts:
Maalimaha wey wareegataa dadka ayeena ku wareegataa sabra insha allaah waa un ka bixidoontaa “isbir kama sabara ulul cazmi mina rusul” waayo tan idinka idin kuma horeeso mana idinku dambeeso sunatullaha ayaa ku tagtay waa meeshii logu cag jukleeyey ambiyadi hore sida xabsigi fircoon oo logu goodiyey nabi muse cs iyo haruun iyo inti rumeesay insha allah maalin ayaa lagu xiridoonaa kufaarta idinkana aad amni ku joogi dontaan insha allah
allow u salahal amuuraha. meehshay ka tawalayaan allaha ka tiiriyo.
allah ayaan oga baryayaa in uu kabadbaadiyo kufaartaas dhibkooda. inshaa’alaaah
Asc,
Allah swt ha ka sii daayo gacanta gaalada ka gardaran, ayagana sabiir kooda ha badsho.
Wuu ku mahadsanayahy Abul Fadli shaqadas uu ka soo warbaxshay,jzk.
asww
illahay haka sii daayo gacantaas aan wax danbiya ku hayn ee gardarada ah.
amiin,amiin,amiin
Asc / dadka ducaad ah mar waliba waa ladhiba marka qof kasta oo dacwad fulinaya waa in sabar badan yeesha gaaladaas makrigooda alle ha idinka bedbaadiyo insha allah.asc
Fakallaahun minal Xabsi al-mariiki al mamquut wathabatahum
Fasabrun Jameeeel
A.s.c walaalaha sogudbiye way kumahad san yihiin shaqadan ay diinta uhayan walaalayaa ha looduceeyo dhamaan muslimiinta khaas ahaan somalida dadka iyo dalkaba alle haka soodaayo sheeka iyo wadaada kaleba Aamin Aamiin Aamin
Allah waxa u waudinay in uu kaso furto gaalada uuna ku irzaqo sabar wanagsan walaalahena xiran
Asc uku horrayn waxaan salaamayaa walaalaha muslimka ah ee soomaaliyeed salaan kadib waxaan leeyahay culumada {isbir calal madadil xusuud insha allaah faina sabraka khaatiluh} u samir dhibaatada xaasidka insha allaah sabar kaaka ayaa diliye allena waxaan niiga baryi in uu niika ajirsiiyo arinkaa waxaana niiku dar daarmi in aad sii laba jibaartaan dacwadiinii insh waadna kabidoontaan xabsika insha allaah waana idiin soo duceenaynaa waadna salaamantihiin ok asc
Asc wr wb
walaalayaal marwalba iyo meel walboon joogno waa
inaan laga daalin ducada iyo dulqaadka maxaa yeelay diintaan aan sida sahalka ah ku helnay waxaan ogsoonahay in loo soo halgamay in badan Rasuulkeenii scw. ayaad ogtihiin wixii loo geystay iyo rusushii ka horaysay xaquna aduunka waa ku dulman yahay ilaahayna waxaan ka baryeynaa sheekah,walaalaha la xiran iyo dhammaan inta diinta lagu dhibo inuu ilaahay xoriyadoda u soo celiyo janadana ku irzaaqo waana calaamatu mu’min arrintaani dadbaa u haysta hadaan iyaga la xirin inay dad fiican yihiin oo iyagu is badbaadiyeen walaahi qof ilaahay dartiis loo dhibo kuna sabra yaa dad ugu khayr badan ee diinta dhibkeeda ha lagu sabro ilaahayna aan talo saarano.
isha alaah waa liibaanaynaa.
wamaa naqamuu minhum illaa an yuuminuu bilaahil caziizil xamiid.