Qaar ka mid ah ardayda Jaamicadaha magaalada Muqdisho oo maalintii 6aad waxbarashooda xiran tahay

Published on February 28, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaa malintii lixaad hakad ku jira waxbarashada qaar ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho kadib markii dagaaladii beryahan ka dhacay magaalada ay saameeyen ku yeesheen goobihi waxbarashada iyo sida oo kale jidadkii la mari jiray.

Ardayda qaarkood ayaa Somalimirror waxay sheegeen in ay mudo ku dhow usbuuc aysan tegin waxbarashada jaamacadaha qaarkood itadoo xili dhow uu dhacay imtixaanadii sanad barka ee ardayda laga qaadi jiray.

Sababaha ardayda ay u tegi waayeen waxbarashada ayaa ah kadib markii ay xirantay wadadii mari jirtay wershedaha oo dhowaan lagu dagaalamay taasoo sababtay in baabuurta dadweynaha ay mari wayeen jidkaasi, iyadoo ay jiraan xarumo badan oo jaamacado iyo macaahid ku taala wadada wershedaha oo halkaa ardaydu aadi jireen.

Mid ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacada Soomaaliya oo u waramay Somalimirror ayaa sheegay inay ku adkaatay inuu dib ugu laabto waxbarashada isaga iyo saaxiibadiis maadaama xarunta jaamacada ay ku tiilay jidka wershedaha haatana uu xiran yahay jidkaasi oo la isku horfadhiyo.

Sido kale wiil arday ah oo sanadki ugu danbeeyey ah waxna ka dhigta machadka SIMAD ayaa sheegay in waxbvarashada ay ugu danbeysay bishii hore markii la galay fasaxa imtixaanka sababta uu u laaban waayana ay tahay jidkii oo xirmay.

Sidoo kale waxay arintan saameyn ku yeelaatay ardayda degan deegaanada xaga waqooyi ee magalada jku yalaa kuwaasoo subax kasta baabuur ku soo mari jiray jidka wershadaha balse hada uu ku xirmay sidaasna ay ku joogsatay waxbarashadooda.

Si kastaba ha ahaatee maha oo kaliya bahda waxbarashada kuwa ay saameynta ku yeelatay xirnaanshaha jidka ba;se waxay sida oo kale taabatay ganacsigiisuuqa Bakaaraha oo dhaqdhaqaaqiisa ku xirnaan jiray jidka wershadfaha oo ahaa kan kaliya ee magaa;lada xiriiriya isaguna uu ku xirmay dagaaladii u danbeeyey ee magaalada ka dhacay.

Waxaana hadii jidka uu sii xirnaado ayaamo kale suuragal ah i sicir barar dhanka cuntada ah uu ka dhaco magaalada maadaama waxyaabaha ka soo dega dekeda aysan gaari karin suuqa Bakaaraha oo jidkii loo mari jiray uu xirmay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo saaka xiran
  2. Xaalada waxbarashada ee ardayda wax ka barata dugsiyada Muqdisho oo Somalimirror la kulantay [SAWIRO]
  3. Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo Xiran
  4. Wadooyinka Qaar ee Muqdisho Iyo Kuwa Soo Gala oo U Xiran Ciidanka DKMG ah
  5. Wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho oo saaka dib u furantay

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo saaka xiran
  2. Xaalada waxbarashada ee ardayda wax ka barata dugsiyada Muqdisho oo Somalimirror la kulantay [SAWIRO]
  3. Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo Xiran
  4. Wadooyinka Qaar ee Muqdisho Iyo Kuwa Soo Gala oo U Xiran Ciidanka DKMG ah
  5. Wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho oo saaka dib u furantay

Latest Headlines