Maamamulka xarakada mujaahidiinta Shabaab ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa xukun dil ah ku fuliyey nin mudo dheer sixirka ku shaqeysanayey oo ku noolaa deegaanada Shabeelaha hoose kaasoo dhowaan laga soo qabtay deegaano hoostaga degmada Afgooye.
Ninkan oo lagu magacaabo Sabdow ayaa ku noolaa deegan hoos yimaada degmada Afgooe wuxuuna mudo dheer ah nin ku shaqeysta sixirka oo uu u adeegsan jiray dadka iyo waxyaabaha kale sida xayawaanka.
Warar laga helayo saraakiisha maamulka degmada Afgooye ayaawaxay sheegeen in ninkan markii la soo qabanayey ay ka soo dacwoodeen dadka ku nool deegaanada uu deganaa kuwaasoo sheegay in ninka sixiroolaha ah uu dhibaato ku hayo. Waxaana la sheegay in mudo hada laga joogo 20 cisho uu kexeystey haweeney xaas ahayd oo uu ninkii qabay ka kexeystey kadib markii uu sixrday gabadhii.
Ciidamada maamulka degmada Afgooye aya markii dambe gacanta ku soo dhigay ninka Sixiroolaha ah kadib markii la baadi goobayey mudo dhan 18 cisho uu uu duurka ku jiray horana u sii watay haweeneydii uu sixraday. Waxaana markii danbe loogu tegey meel keyn ah oo u dhow deegaanka Ceel Axmed oo ku dhow Magaalada Marka.
Xabsiga degmada Marka ayaa la geeyey markii la soo qabtay waxaana markii baaris lagu sameeyey uu qirtay inuu mudo 30 sano ka badan uu sixirka yiqiinay uuna ku shaqeysan jiray, isagoo shweegay in xitaa yaxaasyada webiga Afgooye uu ku adeegan jiray oo ay danahiisa u soo qaban jireen.
Ninka ayaa sheegay in markiisi hore uu ahaa beeraley laakiin markii uu sixirka bartey uu iska daayey shaqadaasi oo midan ay uga fiicnaatay.
Ninkani lagu magacaabo Sabdow ayaa ugu danbeyntii xukun dil ah waxaa ku xukumay maxkamada gobalka Shabeelada hoose iyadoo lagula fuliyey xukunkaasi.
Waaliga al Shabaab ee gobalka ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan rag kale oo sida ninkaasi ku shaqeysta sixirka wuxuuna sheegay in kuwaasina marka la soo qabto xukun dil ah sidoo kale lagu oofin doono.

Related posts:
mashaa allaah
allaah ha idin barakeyo shabaabul mujaahidiin
wlhi wey fiicantahay haddiba wixii sameeya falalka xun sida sixirka iwm ah hadiiba wax laga qabanayo shabaab madixiina kor
scw
Xukunka saaxirka badi culimada Islaam waa isku waafaqsan yihiin dilkiisa si sharkiisa umadda loo dhaafo.
Laakiin xaaladda iwm shabaab ma u leeyihiin awood ay ku sugaan eedda ninkan loo jeediyey?
Jawaabtu waa maya
daliilkayga muxuu yahay?
Waa
“Warar laga helayo saraakiisha maamulka degmada Afgooye ayaawaxay sheegeen in ninkan markii la soo qabanayey ay ka soo dacwoodeen dadka ku nool deegaanada uu deganaa kuwaasoo sheegay in ninka sixiroolaha ah uu dhibaato ku hayo. Waxaana la sheegay in mudo hada laga joogo 20 cisho uu kexeystey haweeney xaas ahayd oo uu ninkii qabay ka kexeystey kadib markii uu sixrday gabadhii”.
Waa qiila iwm.
Ma lagu soo caddeeyey oo ma loo maray hab sharci ah?
Jawaabtu waa maya?
Waxaa la hayaa wixii la oran jiray oo ah Waa uu qirtay baa u diyaar ah.
Naagtii ma la soo helay?
Jawaabtu waa ma cadda ma lama helin?
Dadkii soo dacwooday caddaymahood ma la baaray?
Jawaabtu waa isha meesha iigu dhufo.
Horaan uga hadlay si cilmi ah oo aan u sheegay in shabaab oogi karin xuduud iyaga oo
-amiirkooda diktaatoorka ah jumco iyo jamaaco shaahidin;
- ayan jirin dawlad islaami ah
- aysan jirin dhismo cadaalaeed
- Qudhaat aanan xanaaqsanayn sida oo dadka dembiga la doon doonta
- ayan jirin ijraa\aad qadhaaiyah oo macrufah
iwm
Waxaa qosol leh in shabaabka rumayaan in yaxaasku ku shaqayn karo sixir.
Abu Muhsin
scw
Abu Muhsin Waxaan U arkaa Inaad aad U xuntahey saaxirka ladiley,Sidaa iskugu jawaabeysow aad Su”aal iyo jawaab oo cajjib ah,Markaa hadii aad sixir Ku shaqeysan jirtay waxaa kuu danbeeya Qoorta oo lagaa Gowyo,
asc wr wb
Cali guure
runtii ma istaahishid in laguu ajwaabo laakiin jahligaaga iyo naceybka sharciga aad uq abto ayaan kaaga anseexeynayaa kii naseexo wax tatri weydona seefta ayaa toosineysa.
horta waxa aad diidantahay shabaab ma aha ee waa in sharciga allaah lagu dhaqmo nabi muxamad scw ayaa quraan ka loogu sheegaayey qureysh iyo gaaloba kuma beeninayaan ee waxey diidanyihiin waa diinta aad la timi kitaabka allaah ayay diidanyihiin markaas ayay nabi muxamad scw ku lahaayeen kaadib weyna ogaayeen in uu amiin yahay oo been sheegeyn.
marka sheekh warkaagu waa kaasoo horeeyey ilaah ayaa horey nooga kaa waramey.
in sha allaah sharciga allaah na kor ayuu ahaanayaa idinka oo karaahiyeysanaya 9wadahara amrullaahi wahum kaarihuun)
dadkuan waa labo bicizin caziiz waa bi dullin daliil nin xaqa qaata amrkuu arko oo xukunka allaah ku qanca iyo mid sandulle ku qaata amrka ama calaacal ama ooy haddaadan cizi ku qaadan wallee waa dhab san dullaad kuq aadaneysaa iyo seef afkeed.
wsc
Somali
wacalaykumu salaam
Waa lagu dilayaa, qoortaa lagaa goynayaa waa tahriijka baadhilka ee shabaab umadda kaga hortimid. Marka saaxiib gaabso oo baro sida loo doodo.
Inta aadan qorin tacqiib fadlan faham waxaan qoray. Diin baa la neceb yahay iyo hadal tirada badan waa laga roon yahay.
Masaála ayaan taxriiriyey sidaan arkayey haddii aad si cilimi ah u raddin karto saaxada waa kuu furan tahay inaad badeecadaada keento. Ilaa hadda waxaa kaa muuqda:
in shabaab agtaada ka yihiin Islaam
ama shabaab = Islam.
Ayaadaha aad soo daliilsatay kama hadlayaan waxaan ka hadlay. Waa taxriif naadir oo adiga iyo muriidiintaada shabaab ku eg yihiin haddii ay shabaabka baadhilkan kuu meeriyeen.
Akhristow u fiirso masalad qadhaa iyo ijraa”aadkeeda ayaan ka hadlay ninkanna meesha uu la aadey ama sida nusuusta sharciga ugu xadgubay jahlan wa iftiraan.
Haddii aan qabtana waa sheegasho ah in shabaab yihiin Islaamka.
Fahamka baadhilka waxaa looga bixi karaa in la saxo, la raddiyo ama la ifxaamiyo.
Waa wax fiican maad london imaadaan oo naga qabataan nimanka london sixirka saas u sameeyoo oo rag iyo xaas is qabo kala dira waxaa ka mid la yiraahdo Cali sudan mise Ali sudan oo degan Harlesden 19 Mayo Rd, Brent, Greater London NW10
ninkaas waa nin waa waayeel ah wuxuuna caan ku yahay Sixirka iyo Jiniyada marka Al shabaab kaalay ninkaan dil ku xukuma