Maxamed Cabdulqaadir Nuur ii la taliye u ahaan jiray gudoomiyihii degmada Gaalkacyo ee maamulka Puntland oo dhowaan iscasilay ayaa ka warbixiyey saababta keentay in gudoomiyihii degmada uu iscasilo kadibna wadanka iskaga tago.
Lataliyaha oo wariyaasha ugu waramay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Duqii hore ee Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji uu xilka ka tegey 26-kii bishan sababtuna ay ahayd dhowr waxyaabood oo ka damnbeeyey.
La taliyuhu wuxuu sheegay in mid ay tahay arin isaga u gaar ah oo la xiriirta caafimaadkiisa una u baahday inuu dkqtar aado uuna helo nasasho maadaama uu in cabbar h soo shaqeynayey.
Sida oo kale wuxuu Maxamed Cabdulqaadir xusay arinta labaad oo mid ku saabsan xaalada amniga ee magaalada Gaalkacyo oo waayadii danve ay ka jireen rabshado iyo falal kale oo ka horeeyey oo amaanka wax u dhimaya taasoo wax laga qaban waayey isla markaana ay dhaliileen shacabka ku nool Gaalkacyo.
Saxaafada oo weydiisay inay jirtay wada shaqeyn xumi u dhexeysay qaybaha maamulka dawlada ayaa wuxuu sheegay la taliyihii hore ee duqa Gaalkacyo inay jireen arimahaasi isla markaana lgu xusay waraaqdii uu isku casilay ee uu u gudbiyay masuuliyiinta kale ee maamulka.
Maalintii 26ka bishaan ayaa gudoomiyihii Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji wuxuu si kedis ah isu casilay isagoo isla maalintaasna ka dhoofay magaalada Gaalkacyo.
Wuxuuna iscasilaada uu ku gudbiyey C/raxmaan waraaq uu u diray xafiisyada kale ee maamulka tasoo uu isag ku saxiixnaa.
Arintaan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo mudaaharaadyo lagu diidan yahay xaalada amni uyo dibaatooyinka heysta dadka deegaanka ay ka dheceen gudaha magaalada Gaalkacyo.

Related posts: