Guddoomiyaha jaamacadda Hope ee Hargeysa oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho [SAWIRRO]

Published on February 28, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Guddoomiyaha jaamacadda Hope ee magaalada Hargeysa ahna wakiilka jaamacadda Kampala ee Somaliland, Prof. Najiib Sheekh C/kariin ayaa booqasho gaaban ku yimid magaalada Muqdihso ee caasimada wadanka iyadoo booqashadaasi ay la xiriirta dhinaca waxbarashada iyo horumarinta jaamacadda. [DAAWO SAWIRO]

Prof. Najiib ayaa booqday xarunta horumarinta haweenka SOCWE, wuxuuna halkaas kula kulmay qaar ka tirsan ardayda waxbarashada aqoon-darsadka sare ee master-ka kawada koofurta Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid dhiir-gelin u ahaa ardayda joogta Muqdisho ee ku jiwa howsha waxbarasho ee heerka sare ah, halkaas waxaa hadalo tusaale iyo dhiiri-gelin leh u jeediyay ardayda prof. Najiib Sheekh C/kariim isagoo tilmaamay faaiidada guud ee ay leeyihiin waxbarashada aqoon-darsadka ah iyo takhasusaadka laga heli karo jaamacadda Hope ee uu guddoomiyaha ka yahay iyo tan Kampala ee uu wakiilka u yahay.

Prof. Najiib wuxuu sharax kooban ka bixiyay jaamacadda iyo baahidda waxbarasho sare ee ay dalka ka dabooshay guud ahaan iyo Somaliland si gaar ah oo ay xarunta dhexe ka furan tahay.

“Jaamacadda Hope waxay bixisaa waxbarashada caafimaadka guud “public health”, xirfada sheybaarka “lab-technician” oo isugu jirta heer jaamacadeed (bachelor degree iyo post-graduate) iyo takhasusaadka ay iska kaashadeen,” ayuu yiri Prof. Najiib.

Guddoomiyaha jaamacadda Hope wuxuu xusay in takhasusyada laga diyaarinayo shahaadaha master-ka ay kala yihiin: international relations & development studies oo leh koorsooyin kala duwan, dooran kartana takhasuska aad doonto, taasoo ay raacayaan communication, research methodology iyo hadba koorsada aad qaadanayso.

Ugu dambeyn Maxamuud Maxamed Ibraahim oo ah arday ka tirsan kuwa mestarka ka dhigta Jaamacadda Hope xarunteeda Muqdisho ayaa soo jeediyay talooyin ku saabsan sidii ardada Soomaaliyeed uga faa’iideysan lahaayeen fursadan takhasus sare ee fadhigooda loogu keenay, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay helitaanka waxbarasho sare oo aqoondarsi ah, isagoo ku taliyay in lasoo dhameystiro qalabka ay ardaydu wax ku bartaan

Wixii faahfaahin ahna fadlan ka booqo web page-ka jaamacadda oo ah: www.hope-university.org



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Mahiga oo booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho [SAWIRO]
  2. Wakiilka AU-da u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo Booqasho ku yimid Hargeysa.
  3. Sheekh Xasan Max’ed Ibraahim “Abuu Xasaan” oo Caawa muxaadaro guud u jeedin doona Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika
  4. Wafdi Dhakhaatiir reer Suudaan ah oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho
  5. Jaamacada Islamiga ee Malaysia oo soo dhaweysay codsi uga yimid Jaaliyada Soomaalida

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Mahiga oo booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho [SAWIRO]
  2. Wakiilka AU-da u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo Booqasho ku yimid Hargeysa.
  3. Sheekh Xasan Max’ed Ibraahim “Abuu Xasaan” oo Caawa muxaadaro guud u jeedin doona Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika
  4. Wafdi Dhakhaatiir reer Suudaan ah oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho
  5. Jaamacada Islamiga ee Malaysia oo soo dhaweysay codsi uga yimid Jaaliyada Soomaalida

Latest Headlines