Howlgal ay saakay sameeyeen ciidamada booliiska magaalada Gaalkacyo ayay ku burburiyeen goobo Qamriga iyo xashiishada lagu cabi jiray laguna iibin jiray oo ku yaala xeradii hore ee ciidamada ee Xero Dayax oo ku taala bartamaha magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada oo hubkooda sita ayaa saakay waaberigii waxay weerar ku qaadeen xeradaasi oo hoy u aheyd dad fisqiga ka jira magaalada Gaalkacyo oo horey culimaa’uduunka uga qeyliyeen in wax laga qabto goobtaasi.
Waxayna ciidamada ku guuleysteen in gebi ahaan ay bueburiyaan buushash lagu cabi jiray qamriga iyo xashiishada iyo meelo aflaamta anshaxxumada lagu daawan jiray. Waxayna sidoo kale xabsdiga u taxaabeen dhowr ruux oo ahaa dadkii ku lugta lahaa mukhaadaraadka.
Labo ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen intii uu socday howlgalkan kuwaasoo loo qaaday isbitaalka weyn ee Gaalkacyo, waxaana goobta hada degey ciidamada oo gebi ahaanteed la wareegay.
Goobaha buushashka ah ee maanta la jajabiyey ayaa ahaa meel ay had iyo jeer ka dhici jireen falal dilal iyo dhaqan xumo ah oo magaalada dhibaato ku hayey, waxana meesha laga soo qaaday kartoomo Qamri iyo Xashiish ah oo lagu iibin jiray isla xerada.
Xero Dayax ayaa waayadii hore waxay ahaan jirtay xero ciidankii Soomaalida lahaan jiray waxaana xiliyadii danbe deganaa dad soo barakacay.
Waxayna meesha hoy u noqotay dad kala duwan oo daroogada k ganacsada kuwaa oo iyaguna ay ku soo dugaaleen kooxo kale oo denbiilayaal ah sida budhcad badeeda iyo tuugada.
Culimaa’udiinka magaalada Gaalkacyo ayaa wax badan waxay ku baaqeen in meeshaashi wax laga qabto sidoo kale maamulka maamulka ayaa marar badan wuxuu soo saaray amar lagu xirayo goobahaasi dhibaatada lagu sameeyo.

Related posts: