Maamulka degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ee ayaa meelmariyey go’aan lagu mamnuucay baabuurta leh muraayadaha madow ee ku sugan gudaha degmadaasi sababo dhanka amaanka darteed.
Amarkan ayaa maamulka degmada Ceelbuur wuxuu soo saaray kadoib markii ay soo bteen kooxo lagu sheegay budhcad badeed oo si dhuumaaleysi ku soo gala deegaanada xeebta ee Galgaduud kadibna hub iyo waxyaabaha maanka dooriya ku soo daabula deegaanka, waxaana go’aankaasi lagu wargeliyey baabuureyda deegaankaasi.
Dadweynaha ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan amarkaasi baabuurta muraayadaha madow ee aan la aqoonsan karin cidda saaran inay soo galaan magaalada Ceelbuur taasoo ay sheegeen in amaanka ay ka qeybqaadaneyso.
Sidoo kale maxkamada degmada Ceelbuur ayaa sheegtay in cidii lagu helo inay amarkaasi jebisay laga qaadi doono talaabooyin kay ka mid yihiin xarig iyo ganaax islaa markaana aan la ogolaan doonin arinkaasi.
Amarkan ayaa ah midkii ugu horeeyey ee degmada Ceelbuur laga dhaqangeliyo kaasoo la sheegay inuu qayb wayn ka qaadanayo xagga nabadgelyada.

Related posts: